Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiyaha barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda ayaa dhinaca qayb ka ahaa cashadan.
Ujeedka ayaa saraakiil ka tirsan madaxtoyada Garowe Online u sheegey in xog weydaarsi , kala war qaadasho iyo xaaladaha guud in ay tahay martiqaadkan madaxweynuhu u fidiyey isimadda Puntland.
Isimadii caawa ka qaybgalay martiqaadka madaxweynaha Puntland Garowe ayaa kala ah:
1-Islaan Ciise Islaan Maxamed
2-Islaan Bashiir Islaan Cabdule
3-Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin
4-Garaad Cabdulaahi Cali Ciid
5- Garaad Abshir Saalax
6- Suldaan Siciid Cabdiraxman
7-Suldaan Siciid Irbad
8-Boqor Cabdilaahi Maxamed Cali
9-Suldaan Maxamed Axmed
10-Caaqil Cabdiwahab Maxamuud Gurey
11-Caaqil Siciid Xuseen Dirir.