TFG minster of Financial iyo xubno kali visit PL

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

TFG minster of Financial iyo xubno kali visit PL

Post by FBISOMALIA »

Garowe(puntlandi.com):- Wafdi balaaran oo ka socda dawlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray deegaanada Puntland.

Wafdigan oo uu hogaaminayay wasiirka maaliyada dawlada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha bangiga iyo xubno kale oo ka socday labadan qaybood.

Wafdigan oo duhurnimadii maanta ka soo degay gagida diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa magaalada ku soo dhaweeyay wafuud balaaran oo ka kala socotay maamullada Puntland iyo Galmudug, waxayna saacado kooban kulamo la qaateen Masuuliyiinta maamulka Galmudug iyo kuwa Puntland ee Gaalkacyo ku sugan waxayna kala hadleen arrimo la xiriira lacag cusub oo dhawaan la filayo in loo soo daabaco wadanka Soomaaliya.

Wafdigu waxay intaasi kadib u soo gudbeen magaalada Garowe ee caasimada Puntland, waxayna hada ku sugan yihiin magaalada garowe halkaas oo la filayo saacadaha inagu soo aadan ay madexda sare ee puntland la yeeshaan kulamo wada tashi ah oo ku saabsan lacagaha cusub ee la filayo in dhawaan la soo daabaco.

Socdaalka wafdigani wuxuu ku soo aadayaa xilli gobollada wadanka Soomaaliya aad looga hadalhayo lacagahan cusub ee la soo daabacayo oo bulshadu ay tilmaantay in ay dhalin karaan isbadelo dhinaca nolosha ah.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”