Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida AHN Cabdilaa

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida AHN Cabdilaa

Post by FBISOMALIA »

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed

Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeysey geerida AHN madxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo xalay ku geeriyoodey wadanka Imaaraatka Carabta.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo goor dhow magaalada Garoowe Saxaafadda shir ugu qabtay ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan umadda Soomaalyeed.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Cabdilaahi Yuusuf uu ahaa halyey Soomaaliyeed islamarkaana uu ka tegey taariikh lama ilaawaan ah oo ku dhigan maanka qof kasta oo Soomaali ah.

Dr. Faroole waxa kale oo uu sheegay in marxuumka lagu aasi doono Puntland loona sameyn doono aas qaran isaga oo amar ku bixiyey in calanka mudo sadex maalmood ah hoos loo dhigo.

Ugu danbeyntii madaxweynaha Puntland waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dowladdu ay dhowaan Saxaafadda usoo bandhigi doonto taariikh nololeedkii marxuumka geeriyoodey.

Cabdilaahi Yuusuf Axmed AHN wuxuu xalay saqdii dhexe ku geeriyoodey Isbitaal ku yaal magaalada Abu-Dhabi ee wadanka Imaaraadka carabta kaasoo uu in mudo ah ku jirey.

Horseed Media
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”