Mudulood sends condolences regarding the death Pres AY

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

RovingMadness
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2910
Joined: Mon Apr 04, 2011 2:39 am
Location: SNET's Resident Boogeyman

Mudulood sends condolences regarding the death Pres AY

Post by RovingMadness »

Odayaasha, waxgaradka, Siyaasiyiinta, Xildhibaanada Beelaha Mudullood oo dhambaal tacsi ah soo gaarsiiyay Bogga Jowhar.com ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo Umadii Soomaaliyed uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.

Dhambaalka Tacsida ayaa waxaa eebbe looga baryay Madaxweynihii hore, inuu Janadii Fardowso eebbe ka waraabiyo, waxaa loogu baaqay dadka Soomaaliyed inay cafiyaan.
Tacsida ayaa waxaa diraya:-

Imaamka Beelaha Hiraab Islow Maxamed Yuusuf
Cali Ugaas Cabdulle
Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed
Ra'iisul Wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Xaaskiisa
Ra'iisul Wasaarihii hore Amb. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
Xildhibaan Muuse Suudi
Xildhibaan Salaad Cali Jeelle
Xildhibaan Cumar Finish
Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor
Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaan
Maxamed Cumar Xabeeb
Amb. Maxamed Cali Ameerika
Ugaas Maxamuud Cali Ugaas
Dr. Cusmaan Maxamed Gacal
Ciise Axmed Cumar
Yuusuf Xasan Maxamed (Yuusuf Yare)
Sheekh Axmadey Fooley
Xildhibaan Prof. C/llaahi Afrax
Xildhibaan Muuse Cali Cumar
Cadde Xasan Cali Gaabow
Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur
Cabdi Jiinow Calasow
Shariif Xuseen Jilacow

Dhamaan Jaaliyadaha Beelaha Mudullood ee dibadaha, ganacsatada, dhalinyarada iyo Haweenka waxay tacsi qaran u dirayaan Umada Soomaaliyed iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed Madaxweynihii hore Soomaaliya oo saaka salaadii subax ka hor ku geeriyooday Isbitaalka Sheekh Zaa'id ee Magaalada Abuu Dubai ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta.







 
Hoyga wararka Somaliyeed 
www.jowhar.com 
jowharnews@gmail.com 
jowharcom@hotmail.com 
User avatar
abdisamad3
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12628
Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
Location: Kismayo

Re: Mudulood sends condolences regarding the death Pres AY

Post by abdisamad3 »

Mudulood brothers.. :som: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Banaadir”