DHamaan Jaaliyadaha Dibada ee Beesha Ceelbaraf waxaa lagu wargelinaayaa in ay bilaabatay howl qodid kanaal weyn.
kanaalkaas oo lagu qodaayo deganka Eji Kanaalkaas oo qarashka hada lagu bilaabay ay iska Aruuriyeen Ganacsatada Beesha Ceelbaraf ee Muqdisho
kanaalkaan ayaa waxaa la gaarsiin rabaa Mustaqbalka ilaa iyo Ceelbaraf iyo Degaano Kale balse hada kutalagalka waa ilaa 10KM ama 10.000 miter.
Hadaba sidas daraadeed waxaa lagu wargelinayaa ama laga codsanayaa jaaliyadaha beesha Ceelbaraf iyo afarta Tuulo ee Degmadda Mahadaay ee ku nool dal iyo dibad inaay ka qeyb qaataan howshaas qodida kanaalka Eji oo ah howl lagu horumarinaayo Degaanada ay degto Beesha Ceelbaraf iyadoo ay kanaalkaan ka faaidaysan doonaan Beeraleey Badan ,
Howsha hada waxaa ay ku socotaa dardar waxaana ka qeyb qaadanaayo ilaa iyo afar Baldoosar iyo hal Baalo waxaana ilaa iyo hada la qoday ilaa iyo 3km ama 3 Kun Miter
Sidaas daraadeed waxaa lagu wargelinayaa qof kasta oo ka qeyb qaadanaayso inaay la soo xiriirto Dadka loo xil saaray oo isagu jira Culumaaudiin iyo Odayaasha Beesha si ay u helaan Faahfaahin dheeraad ah.
1- Sheekh Yuusuf Tuurxume Mobile No 061-5136133
2- Xasan Indhooy Gaafoow // // 061-5504620
3- Shamuuq Cali maxamed // // 061-5563695
4- Sheekh Cali Diinaar // // 061-5885093
5- Sheekh Axmed Maxamuud Jimcaale // // 061-5826217
Fadlan haddii aad rabto inaad Account Ku shubto wixii aad baxsaneeyso ku soo hagaaji
Account D0010320 Dahabshiil
Mahadsanidiin
Kaqeyb qaadashaadu waa muhiimada koowaad






