Page 1 of 1

Madaxweynaha Puntland oo Maalintii Sadaxaad Ku Sugan Magaala

Posted: Tue Mar 27, 2012 10:48 am
by quark
Madaxweynaha dawlada Puntland mudane Cabdiraxman Sheekh Maxamad Maxamud “Farole” ayaa maalintii sadaxaad ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wafdiga madaxweyne Faroole ayaa ka kooban xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, Xildhibaano iyo marti sharaf kale oo ka qayb galay aaskii qaran ee madaxweyniihi hore Soomaliya AHN Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo maalintii Axada ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha dawlada puntland ayaa intii uu joogay magaalada gaalkacyo waxaa uu kulamo kala duwan la yeeshay Madax dhaqmeedyada gobolka Mudug,waxaana uu kala hadlayay xulitaanka ergada ansixinta dastuurka Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne faroole ayaa la kulmay qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada ee gobolka Mudug waxaana uu kaga xog waraystay xaalada amaan ee gobolka Mudug iyo horumarka ay ka sameeyeen sugida amniga Gobolka.

Wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa dhanka kale ka qayb galay Shirkii wadatashagiga saxiixayaasha somaliyeed ee Barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne faroole ayaa lagu wadaa in uu joogi doono magaalada gaalkacyo inta ka dhiman asbuucan isagoona kulamo la qadan doona Maamulka gobolka Mudug iyo laamaha amaanka ee gobolka Mudug.