Beesha Nuur Yusuf (Ina Nuur) elect clan Chief in Gedo -PICS
Posted: Tue Mar 27, 2012 10:53 am
The gola guurti for Jubbaland is in full gears, nearly all tribes in Jubbaland have confirmed and elected their clan chief.












Beesha Nuur Yuusuf oo ka mid ah Beelaha ka tirsan Beesha Sade “Mareexaan”, ayaa waxay Nabadoon ay ku dooratay Magaaladda Garbahaarey ee Xaruunta Gobolka Gedo.
Kullan balaaran oo ay isugu yimaadeen dhamaanba Nabadoonada Beelaha Sade ayaa waxay Beesha Nuur Yuusuf ay Nabadoon ugu soo dooratay Nabadon C/Laahi Cabdi Jaamac, oo ka mid ah Cukaasha sida weyn leh looga tex-gelliyo Deegaanada Beesha Sade.
Kullankaan oo Nabadoon C/Laahi Cabdi Jaamac lagu soo caleemo saaray, ayaa waxaa ka hadlay dhamaanba Nabadoonada Beelaha Sade, iyadoo ay goobtaasi ka jeediyeen hadalo qiiro leh oo soo jiitay dareenka bulshadii ka soo qeyb-gashay.
Nabadoon C/Laahi Cabdi Jaamac oo qudhiisu ka hadlay munaasabadda lagu soo caleemo saaray, ayaa wuxuu soo dhaweeyay tallaada ay wax-garadka Beesha Nuur Yuusuf ugu soo doorteen in uu noqdo Nabadoonka Beesha, isagoo dhinaca kalana mahad-celin balaaran u jeediyay dhamaanba Nabadoonadii ka soo qeyb-gashay caleemo saarkiisa.
Nabadoonka ayaa wuxuu sheegay in uu horyaallo shaqo culus, balse wuxuu sheegay in uu u qaban doono sida ay tahay, isla-markaana wuxuu rajeeyay in uu ka soo bixi doono xilka ay u soo magacaabeen wax-garadka beeshiisa.
Nabadoonadii munaasabadda caleemo saarka ka soo qeyb-gashay ayaa waxaa ka mid ah:-
Nabadoon Maxamuud Xirsi Faarax
Nabadoon Ibraahim C/laahi Jaamac
Nabadoon Buraale Jaamac Deer
C/laahi Baase Tiriye
Aadan Shirwac Julaas
Maxamed Dhaqane Warsame
Odawaa Xuseen Diiriye
Hire Farreey
Sh. Bashiir Xasan Cumar
Maxamed Sh. C/laahi
Xasan Axmed Shanfool
Sh. Muxumed Guhaad
Maxamed Cali Shire
Xasan Xirsi Nuur
Cali CawadFitaax Sh. Dahir
Cabddow Guure Cali










