Page 1 of 1

EU Representatives Visit Puntland

Posted: Fri Mar 30, 2012 7:48 am
by CismanMaxamud1
Garowe(puntlandi.com):- Wafdi ka socda Midawga Yurub ayaa soo gaaray Deegaanada Puntland, waxayna manta kulan la qaateen Madexweynaha Dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole.

Wafdiga Midawga Yurub oo ay hogaaminayeen Mr Georges Marc Andre wakiilka EU-da u qaanbilsan Somalia iyo Agostino Miozzo agaasimaha guud maareynta xaaladaha deg dega iyo masiibooyinka Modowga Yurub ayaa ujeedadoodu tahayin wadanka Soomaaliya ay ka hirgaliyaan Mashaariic horumarineed oo la xiriirta Deegaanka iyo Biyaha waxayna horay cagta u soo mariyeen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya oo ay kula soo kulmeen Madexda Sare ee Dawlada Faderaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland oo ay kula soo kulmeen Madexda Maamulkaasi.

Kulankan manta oo ka dhacay xarunta Madextooyada Dawlada Puntland ee magaalada Garowe ayaa waxaa koob jog ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyada, Wasiirka arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose, Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka Caalmiga ah iyo Agaasimaha guud ee Madextooyada Puntland, waxaana aad la iskula soo qaadaty arrimaha la xiriira xaalufka deegaanka iyo badbaadinta deegaanka, gurmadka abaaraha iyo hagaajinta biyaha deegaanadda miyiga u badan ee Puntland.

Madexweynaha Dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole oo Saxaafada la hadlay gabagabdii shirkan ayaa sheegay in kulankoodu uu ku qotomay Mashaarcii horumarineed oo midawga Yurub Soomaaliya ku caawin doono oo la xiriira deegaanka iyo Biyaha.

Mr Georges Marc Andre wakiilka EU-da u qaanbilsan Somalia oo wafdigan hogaaminayay oo isna hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in horay kulamo ula soo qaateen Madexda Dawlada Faderaalka Soomaaliya iyo Madexda Maamulka Soomaaliland islamarkaana ay kala soo hadleen arrimo la xiriira Mashaariicda horumarinta deegaanka iyo biyaha ee ay doonayaan in ay guud ahaan wadanka Soomaaliya ka fuliyaan, hadana ay madexda Puntland isku waafaqeen arrinkaasi.

Kulankani ayaa imaanaya xilli Wadanka Soomaaliya ay ka jiraan dadaalo horumarineed oo Caalamku uu uga qaybqaadanayo arrimaha bulshada iyo horumarintooda
.

Re: EU Representatives Visit Puntland

Posted: Sat Mar 31, 2012 10:12 am
by union
LOL, still receiving visitations by the humanitarian aid envoys? Where is the long hailed oil? By now I thought you would have been receiving representatives from BP and Exon Mobile
lol

Re: EU Representatives Visit Puntland

Posted: Sat Mar 31, 2012 10:15 am
by AhmedBoqor
Well to others its aid, but in Puntland, we call it long term loan :up: