Aweys rejects union between Alqeada & Alshabaab

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Aweys rejects union between Alqeada & Alshabaab

Post by AhlulbaytSoldier »

Xassan Dahir Aways denounces union of Al-shabab with Al-qaida

http://shabelle.net/2012/03/31/xasan...cida-dhageyso/

Xasan Daahir oo ka soo horjeestay fikirka Al Shabaab iyo Al qaacida ( Dhageyso)
Shabelle Media Network March 31, 2012 Comments Off
Muqdisho: (Sh.M.Network) - Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha Xarakada Al Shabaab ayaa ka soo horjeestay fikirka Xarakada Al Shabaab isagoo ku baaqay in aan dadka lagu gumeysan shaarka Al Qaacida. Xasan Daahir oo shalay ka hadlayay Masjid kuyaala Duleedka Magaalada Muqdisho kadib salaadii Jimcaha ayaa waxa uu qudbadiisa uga hadlay dhowr waxyaabood oo uu sheegay in ay haboontahay in isagu uu diirka ka qaado maadaama sida uu sheegay dadka kale ay ka cabsanayaan in ay arimahaasi ka hadlaan. Sheekh Xasan ayaa ugu horeyn waxa uu ka hadlay bayaan dhawaan ka soo baxay xarakada Al Shabaab kaasi oo uu sheegay in uu ka soo horjeedo, xiligaana aan loo baahneyn in Jihaadka la siyaasadeeyo oo qofkii ka horyimaada la qaarijiyo. Sheekh waxa uu dib ugu laabtay xili uu sheegay in muslimiinta Caalamka ay raadinayeen in ay soo celiyaan Jameecal Islaamiya, markaasi oo uu xusay in ay sameysmeen xarakaaad badan balse Xasan waxa uu is weydiiyay Culumadii xiligaasi jirat in ay gaaleysiin jireen oo ay dili jireen dadka ka horyimaada. Waxa uu sheegay in inta arintaasi raadinteeda lagu guda jiray ay jireen jameecooyin badan oo isku dayay in ay ku dhawaaqaan in ay iyagu yihiin Jameecal muslimiin balse laga hor istaagay laguna wargaliyay in ay ka midyihiin oo kaliya balse aysan kaligood hogaamin karin. Xasan Daahir ayaa sheegay in qof kasta ama xarakaad kasta cida ay doonto heshiis ay la gali karto balse waxa uu diiday in aysan jirin heshiis caalami ah oo muslimiinta oo dhan ay wada gaareen, waxaana uu carabka ku dhuftay in haatan ay jiraan xarakaad isku gali yeelaya arintaasi oo uu tilmaamay in ay ku baneysanayaan dadka dhiigooda taasina ay tahay sababta ku kaliftay in uu arintaani uga hadlo.

Warkaasi war dhahan, ma’ahan, dadaalkaani waan ku wada jirnaa laakiin qof gaar ah inta uu shaar gashto dadka yaan lagu waxyeeleyn, iyada oo uu shaarkaasi wali sameysneyn, yaana lagu dilin dadka” ayuu yiri Xasan Daahir. Waxa uu dhinaca kale sheegay in jihaadka lagu jiro haatan uu yahay mid dadka oo dhan laga doonayo balse waxa uu meesha ka saaray in qolo galikood ay isku gali yeelaan Jihaadka cidii ka soo horjeesatana ay awood u adeegsadaan ama ay dilaan. Qudbadda Xasan Daahir Dhageyso adiga ayaa ka sii boqon doonee.
User avatar
jalaaludin5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8832
Joined: Thu Jan 05, 2012 7:37 am
Location: “Beauties in vain their pretty eyes may roll; Charms strike the sight, but merit wins the soul.”

Re: Aweys rejects union between Alqeada & Alshabaab

Post by jalaaludin5 »

:up:
Colonel
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6708
Joined: Wed Jul 20, 2011 5:00 pm

Re: Aweys rejects union between Alqeada & Alshabaab

Post by Colonel »

Keep ALQAID out of Somalia, they'll only bring more trouble to our nation.
User avatar
BlackVelvet
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 23249
Joined: Thu Mar 11, 2010 2:54 pm
Location: On Idman's mind

Re: Aweys rejects union between Alqeada & Alshabaab

Post by BlackVelvet »

:up:
User avatar
LaY-D_LicK
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2769
Joined: Tue Mar 18, 2003 7:00 pm
Location: SomaliLand Royalty ... Londons Fynest ... and Your a fake online character

Re: Aweys rejects union between Alqeada & Alshabaab

Post by LaY-D_LicK »

Al Shabab and Al Qaeeda The best marriage since peanut butter and jelly .... :up:
User avatar
DR-YALAXOOW
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13991
Joined: Wed Dec 15, 2004 1:26 am

Re: Aweys rejects union between Alqeada & Alshabaab

Post by DR-YALAXOOW »

sheeydaan xassan ma daahire abees awalba wuxuu ahaa NIN XUKUN DOON AH. wuxuuu dadka u xasuuqayey waa sidii uu Madax u noqon lahaa oo uu diyaarado raac raaci lahaa. marka axmed godane ALQAIDA markuu ku biirayey mooryaanta shabaab wuxuu rabay inuu ka hortago xasan daahir aweys inuu al shabaab kursi ku gaaro.

axmed godane wuxuu rabay inuu WANTED ka dihigo xasan daahir waayo alqaida dunida oo dhan waxay ka yihiin koox danbiilayaal ah oo wanted ah meel waliba. laakiin sida caadada ah mooryaan xasan ma daahire wali waxaa hunguri ka haya sidii uu u noqon lahaa madax sidaa darteed markuu arkay AL SHABAAB SII ORDAYSA ayuu maanta ka noqday kana soo horjeestay ku biirida alqaida.

inshalah sheeydaan xasan daahir mar dhaw isagoo baxsad ah oo dawlada tuugaya waa la arkaa. laakiin ninkan ooo kale maaha in la cafiyo waa in maxkamad la soo taagaa laguna qaadaa danbigii iyo xasuuqii uu geeystay ma xishooode xasan daahir :down:
User avatar
SultanOrder
Posts: 21695
Joined: Thu Mar 26, 2009 10:10 pm
Location: Peace!

Re: Aweys rejects union between Alqeada & Alshabaab

Post by SultanOrder »

this nigga is a terrorist :lol:
Jaidi
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2228
Joined: Wed Sep 28, 2011 12:53 pm

Re: Aweys rejects union between Alqeada & Alshabaab

Post by Jaidi »

He's tryna remake himself for the 3000000th time. He's a chameleon and sees the writing on the wall.
User avatar
fatimazahra
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 693
Joined: Thu Feb 24, 2011 2:57 am
Location: United States of Somalia

Re: Aweys rejects union between Alqeada & Alshabaab

Post by fatimazahra »

:up: the end of Alshabab is near inshallah.
User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21185
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

Re: Aweys rejects union between Alqeada & Alshabaab

Post by sahal80 »

:up:
User avatar
Rabshoole
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10610
Joined: Fri Nov 30, 2001 7:00 pm
Location: Midwest

Re: Aweys rejects union between Alqeada & Alshabaab

Post by Rabshoole »

:up:
User avatar
Murax
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 28297
Joined: Sat Dec 29, 2007 4:45 am

Re: Aweys rejects union between Alqeada & Alshabaab

Post by Murax »

What a sad state of affairs for Him. A Old man oo cirro leh, being punked around by some teenagers even after He did everything they wanted Him to do.
gobdoon
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6005
Joined: Sun May 27, 2001 7:00 pm
Location: LONDON,U,K

Re: Aweys rejects union between Alqeada & Alshabaab

Post by gobdoon »

SHAATIGA UU KA HADLAYO ASAGAABA GASHAN EE WAXU RABA MARKII XAALKU XUMAADAY IN UU DIB USOO NOQDO.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”