Turkey Ambassador Arrives in Puntland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
CismanMaxamud1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1824
Joined: Sun Jan 02, 2011 11:16 am
Location: SSDF/Kulmis

Turkey Ambassador Arrives in Puntland

Post by CismanMaxamud1 »

Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya oo Garoowe soo gaarey
Updated:- 3 mins ago| 0 Commnets

Wefdi uu horkacayo safiirka Turkgia ee Soomaaliya ayaa goor dhow kasoo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

Dr. Kani Torun iyo wefdigiisa ayaa waxaa si diiran usoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tisan dowladda iyo dadweyne aad u tira badan.

Waxayna saacadaha soo socda kulan kula qaadan doonaan xarunta madaxtooyada mas’uuliyiinta ugu sareeya dowladda oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Waa markii ugu horeysey ee uu safiirka Turkiga ee Sooomaaliya magaalada Garowe iyo guud ahaan deegaanada Puntland soo gaaro.

Booqashadiisa ayaana kusoo beegmeysa xilli dhowaan mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda horumarinta dalkaas u qaabilsani ay Puntland yimaadeen.

Safarka Dr. Kani Torun ayaa loo badinayaa inuu dhabaha u xaarayo booqasho la filayo in bilaha soo socda uu Puntland ku yimaado Ra’iisul wasaaraha Turkiga Rajep Tayyib Erdogan.

Faah faahin ku saabsan kulanka safiirka Turkiga iyo madaxweynaha Puntland iyo sawiradaba Horseed Media way idiin soo gubin doontaa.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”