40 Students Graduate From Bosaso High School

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
CismanMaxamud1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1824
Joined: Sun Jan 02, 2011 11:16 am
Location: SSDF/Kulmis

40 Students Graduate From Bosaso High School

Post by CismanMaxamud1 »

Boosaaso: Xaflad Qalin-Jebin ah oo Ka Dhacday Dugsiga Sare ee Minaaratul-Baydaa [Sawiro]
Updated:- 17 hours ago| 2 Commnets

Munaasabad qalin jebin ah ayaa shalay ka dhacday dugsiga sare ee Minaaratul-Baydaa oo kamid ah dugsiyada sare ee ka jira deegaanada Puntland.

Xafladdan ayaa ahayd mid ay dhigteen dufcadii 6-aad ee arday ah ee dugsigaas ka baxda, waxayna ardayda qalin jebiyey ka koobnaayeen 36-wiil iyo 5-gabdhood.

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qayb galay waalidiin, Isimo, aqoonyahan iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka waxbarashada ee gobolka.

Ugu horeyn waxaa madashaas ka hadlay C/salaan Amiin Ciise oo ah maamulaha dugsiga Minaaratul-Baydaa, wuxuuna ka warbixiyey heerarkii waxbrasho ee uu dugsigu soo maray islamarkaana la dardaarmay ardayda qalin jebisey.

C/salaan Amiin Ciise oo isaguna kamid ah macalimiinta dugsigaas wax ka dhiga ayaa sheegay inay farxad u tahay inay arkaan ardaydii ay mudada wax soo barayeen oo waxbarashada dugsiga sare dhamaystay.

Caasho Yaasiin Cartan oo ahayd hooyo ku hadlaysey magaca waalidiinta ayaa ku dheeraatay qiimaha ay waxbarashadu leedahay iyadoo mahad balaaran usoo jeedisey maamulka iyo macalimiinta dugsiga sare ee Minaaratul-Baydaa.

Cabdiqaadir Siciid Cali (Shiino) oo ah gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Bariga Africa oo kamid ahaa marti sharaftii xafladaas lagu casumey ayaa hanbalyo u diray ardaydan kuna booriyey inaysan ka harin waxbarashada oo ay sii wadaan si ay dadka iyo dalka horumar ugu horseedaan.

Xafladan ayaa ahayd mid u dhacday sidii loogu tala galay, waxayna kusoo beegmeysaa xilli mudooyinkii u danbeeyey magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland ay ka dhacayeen xaflado noocan oo kale ah oo loo dhigayey ardayda ka baxaya fasalka 4-aad ee dugsiga sare.
User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

Re: 40 Students Graduate From Bosaso High School

Post by tightrope »

:up:
Image ImageImage
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”