Sh.shariif kaarkiisii ugu danbeeyay ee shirqoolka Azaaniya o

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Hard-Rock
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1419
Joined: Sat Nov 18, 2006 8:16 pm
Location: Azania state of Somalia

Sh.shariif kaarkiisii ugu danbeeyay ee shirqoolka Azaaniya o

Post by Hard-Rock »

This is what happens when you eliminate social classes. A Donkey herder will never abondon his old habits.
He keeps shitting on our highest dignitary seat.

Image
Top News: Sh.shariif kaarkiisii ugu danbeeyay ee shirqoolka Azaaniya oo fashilmay

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helayno Madaxtooyada Soomaaliya ayaa noo sheegay in Sh. Shariif is ku daygiisii ugu danbeeyay ee uu ku hagardaamaynayay dowlad gobaledka Azaniya inuu ku hungoobay ka dib markii ay ka hor imaadeed Ra’iisul, Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka. Isku day kaas ayaa ahaa inuu is ku dhufto beesha Absame dhexdeeda asagoo isticmaalaya kooxda Axmed Madoowe maadaama saddexdii sane ugu danbaysay ilbaab walbo laga soo xiray. Qorshan fashilmay ee kooxda Axmed Madoobe intaan faahfaahinin waxaan soo bandhigaynaa qorshayaashiisii horay u fashilmay.
1) in ciidamadii Kenya lagu tababaray Muqdisho laga daadiyo ka dibna Xamar lagu xoreeyo mid dhinta iyo mid dhaawac noqdaan ka dibna Jubooyinka Lugadheeere iyo isbahaysi Irir ku salaysan Jubbooyinka la wareegaan sidii Xisbul Islaam garagabkii Sh Xassan Turki horay loogu isticmaalay taasoo maanta maamulka Jubbooyinka ku hanteen magaca Shabaab. Xisbul Islaam qeybtii Sh. Turkina laga dhigay mid dhintay, mid gobalada dhexe ku go’doomay, mid Shabaab isu dhiibay iyo mud xuduuda talaabay. Hase ahaatee wax garadka iyo cuqaasha Absame ayaa ka hor yimid kuna gacan seeyray iyadoo Pr. Gaandi xilligaas arintaad ku waayay xilkiisii Wasiirka Gaashaandhiga kana door biday in danta deegaankiisa ka horayso wax walbo.
2) qorshaha labaad ayaa ahaa in Wasiirka Maaliyada loo magacaabo Xuseen Xalane Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigana Xidig si dowladda Kenya looga dhaadhiciyo in ragaas Absama yihiin iyagana arimaha Jubbooyonka dowladda u matalaan iyagoo lagaco lagu xarqiyay si ciidamada isku mowqifka ah iyo wax garadka loo kala furfuro arintaasoo fashil ku dhamaatay ka dib markii dowladda Kenya ku adkaysatay in saxiixii hore labada dowladood kala saxiixdeen lagu heshiiyay in barnaamijka Jubbooyinka Prof Gaandi masuul ka yahay Wasiir ha ahaado ama yuusan ahaan. Xidig iyo Xalane markay howshii loo diray u fuli wayday xililkii waa laga qaaday xilil danbana looma magacaabin.
3) wajigii saddexaad ayaa ahaa in beesha Mareexaan la abaabulo uu ka mid yahay Cali Madoobe oo ahaa taliyaha booliiska iyo Dhuumaal taliyaha ciidamada jubbooyinka iyo Gedo loo magacaaay xilligii Farmaajo Raisul Wasaraha ahaa taasina waa laga hortay fashil ayay ku dhamaatay ka dib Farmaajo markay isku dhaceen Shariif Xassan xilkiisana waayay.
4) qorshihii afaraad taliyaha ciidamada qalabka sida ayaa loo magacaabay Janaraal Diini oo ah nin beesha Sade ka soo jeeda. Janaraal Dhuumaal loo daayo taliyaha ciidamada ee Jubbooyinka iyo Gedo si ay isugu xirmaan labadaas Janan ka dibna qorshaha Sh. Shariif u fuliyaan iyagoo magac Dkm isticmaalaya Axmed Madoobana iskaashi la samaynayo. Taasina way fashilantay ka dib markii barnaamijka Azaaniya isku af garteen dowladaha Igad guddina u saareen go.aanna ku gaareen in dallada guud ee Azaaniya la hoostago garabka Axmed Madoobe iyo Ahlu Sunaha Buula Xaawo ku biiraan Azaania.
5) qorshihii dowladaha Igad qaar la yaabeen ayaa ahayd ka dib markii ciidamada Kenya galeen Jubbooyinka Sh. Shariifna ku dhawaaqay in uusan raali ka ahayn soo gelitaankooda ayaa masuuliyiinta Azaaniya iyo waxgaradba si adag uga jawaabeen una sheegeen in asagaba Amisom waardiyaso Xamarna u xoraysanyso kuna faraxsan yahay waxa in Jubbooyinka loo xoreeyo u diidan yahayna tahay dano qabiil iyo asagoo u arko dowlad goboleedka Azaaniya haday hirgasho in is badel siyaasadeed ku keenayso guud ahaan Soomaaliya taasina waji gabax baa karaacay iyo ceeb Sh. Shariif.
6) qorshahan ayaa asagana ahaa in uu tagay Madaxwaynaha Uganda una shegay in beesha Absame dhul loo qabanayo loona maquuninayo beelo kale arintaas wax lala yaabo ku noqotay Madaxweyna Uganda. Madaxwayne beel ka mid ah beelaha Madaxwaynaha uu u yahay dhahayo dhul baa loo qaban taas oo cadaysay heerkiisa, garashadiisa iyo mas’uuliyadiisa. Igad ayaa isu tumid una aragtay in Sh Shariif arrimaha Jubbooyinka dhexdhexaad ka noqon karin dowladaha Igadna guddi khaas u saareen arrimaha Azaaniya la socda.
7) Sh Shariif markuu arkay in albaab walbo xirmay ayuu waxa uu kula kulmay Madaxweynaha dowlad gobaleedka Azaani Prof Gaandi magaalada Nairobi wada hadal dheer ka dib waxay is ku af garteen
1) in labadelo Janaral Dhuumaal laguna badallo Janaral Saxardiid oo ah nin Jubbooyinka u dhashay maadaama Dhuumaal meesha uu u joogay hagardaamo iyo qas.
2) in hogaamiyo kooxeed iyo mid qabiilba ka howlgalin Jubbooyinka iyo Gedo.
3) inuu dib danbe u soo laaban waxyaabihii horay ugu kacay iyo in dowlad gobaleedka Azaaniya iyo DKM wada shaqayn yeeshaan.
Arrinta oo sidaas ku socota waxaa cadaadis kaga yimid Sh Shariif beelihii dhul balaarsiga rabay ee cadaadiska ku hayay oo uu Lugadheere ugu horeeyo iyagoo u geeyay qorsha ah in beesha Absame dagaal dhexdooda laga qarxiyo taas oo loo isticmaayo Axmed Madoobe maadaama albaab kale furnayn ka dibna haddii lagu guulaysto arintaas in si dhib yard ugu fulayo qorshihii 22 sano lagu taamayay oo ahaa in deeganka Jubbooyinka magac dowladeed lagu xalaashado sidii dowladihii hore loogu xalaashaday Baardheere, Sarinley, Faaxfaxdhuun iyo kuwa kale.
hadaba qorshahan Sh Shariif ugu danbeeyo ee fashilmay siduu udhacay ?
Sh Shariif ayaa Nairobi u soo diray Lugadheere si uu ula kulmo kooxda Axmed ka dib markii ay ka war heleen in wada hadal dhacayo Axmed Madoobana guddi Igad u tageen una cadeeyeen mowqifkooda una sheegeen inuu Azaaniya qeyb ka noqanayo asagana uu ogolaaday. Taas oo u arkeen Sh Shariif iyo kooxdiisa Lugadheere Jubbooyinka wakiilka uga ah in ciidanna haysan magicii dowladeedna ku hungoobeen wadahadlna qeyb ka noqonayn maadaamo taageero iyo deeganba aysan lahayn meel cidlana kusoo dhaceen ayaa waxay soo jeediyeen in Sh Shariif u magacaabo Axmed gudoomiyaha Jubadda Hoose oo uu sharciyan ilaa hada ugu magacaaban yahay Ilyaas Badal Gaboose.
Axmed Madoobe iyo Ilyaas waa labo nin ilma adeer ah ka dibna halkaas gacan qaad iyo is qabqabsi ka dhaco si loo muujiyo khilaafka Absame ka dibna la dhaho waa la isku haystaa gudoomiyaha Jubadda Hoose. Qorshahan ayaa fashil ku dhamaaday ka dib markii xukuumadda Cabdi Wali Gaas ku gacan seertay una sheegtay Sh. Shariif in maamulada sharciga ah ee hadda gobalada ku magcaaban inay howsha sii wadayaan DKSna maamuladaas aqoonsan tahay.
Kooxda Axmed MadooBe ayaa lagu amray inay dadkooda wax la qeeyb sadaan wadahadalada magaalada Nairobina ka qeeyb galaan.
Xukuumadda Soomaaliyana guddi u saartay la socdo arrintaas oo uu masuul ka yahay Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gacansiga Mudane Cabdi Wahaab Ugaas oo ah nin deegaanka u dhashay. Sh Shariifna waxaa loo so jeediyay inuu faraha kala baxo beesha Absame iyo dhibaatooyinka uu ku hayo
Xogo dheeri ah oo aan dhamaystirkooda weli ka sugayno Madaxtooyada Soomaaliya ayaan idiin soo gudbin doonnaa mardhow Insha Allah.
Jubbalandnews.com
Muqdisho
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Sh.shariif kaarkiisii ugu danbeeyay ee shirqoolka Azaani

Post by FBISOMALIA »

why your ppl need approve from him , just build your state like we did :up:
User avatar
Hard-Rock
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1419
Joined: Sat Nov 18, 2006 8:16 pm
Location: Azania state of Somalia

Re: Sh.shariif kaarkiisii ugu danbeeyay ee shirqoolka Azaani

Post by Hard-Rock »

FBI, we have never waited approval from any group or leader. Jubaland Initiative which materialized to this all inclusive state was a process started by the natives of these three provinces and it will continue to be so, our aim is to fully liberate the region and to ensure institutions of Azania state are fully functioning. But what we, the natives of Azania find astonishing is the idiocy of this lost red lip clown who keeps stepping out of his boundaries. He doesn’t even know when to quit. But you are right, we should continue putting our focus on liberating the rest of our major towns such Bardere, Buale, Kismayo and Afmadu. The Donkey can cry to his handlers about Absame all he wants, Museveni, Meles, Ismael Omar and every leader in the region. We have so much staff on our plate right now which is building a model state that will out shine the rest of the states in the federal. :up:
Colonel
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6708
Joined: Wed Jul 20, 2011 5:00 pm

Re: Sh.shariif kaarkiisii ugu danbeeyay ee shirqoolka Azaani

Post by Colonel »

The guy can't even walk around without his Ugandan bodyguards in a city that has a high percentage of his fellow tribesmen so how can he even comment on a region which is hundreds of kilometers away and has not many Abgaals, if any? Somebody needs to break the news to him that he isn't a real president.
Addoow
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7611
Joined: Sat Aug 16, 2008 4:13 am
Location: Hawiye Pride!

Re: Sh.shariif kaarkiisii ugu danbeeyay ee shirqoolka Azaani

Post by Addoow »

dream on.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Jubada Hoose”