http://www.boramanews.com/index.php?opt ... Itemid=117
http://boramanews.com/index.php?option= ... Itemid=117
well done boys next time take harsher measurements

Moderators: Moderators, Junior Moderators
faqash prey.. the news is true 100% check ur own webs ur own elders spoke about it..SahanGalbeed wrote:, weak lying faqash !
You're worse than a woman for you have no puss.y
No , hadalkaasi wuxu ka dhiganyahay , wax alle iyo wax fa'ido ah oo aad leedahay ma jiro .Mondey wrote:faqash prey.. the news is true 100% check ur own webs ur own elders spoke about it..SahanGalbeed wrote:, weak lying faqash !
You're worse than a woman for you have no puss.y
haye adiga ayaa roon o leh bahalka flowerka miyaa
Gabiley(GNS)-Cuqaal, Odayaal, iyo Wax-garad ka soo jeeda Deegaanada Waqooyiga iyo Galbeedka Magaalada Gabiley, ayaa si wayn uga codsaday Xukuumada in Baadhitaano Mug leh lagu sameeyo Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Qaranka Somaliland, Isla markaana ka mid ah Taliyayaasha Ciidamada ee Gobolada Bariga Somaliland oo dhawaan Habeenimo Saq-dhexe ah ay Ciidan Beeleed ka soo jeeda Degmada Dilla ku qabteen Isaga iyo Sadex Askari oo kale Meel u dhaxaysa Ceel-bardaale iyo Geed-Diqsi ee Fal-dambiyeedyada dhagarta ahi hore uga dhaceen, Kuwaas oo Ciidamada Qaranku u taxaabeen Taliska guud ee Ciidamada Qaranka, Halkaas oo ay Ilaa hada ku xidhan yihiin. Waxaanay Cuqaashaasi ku hambalyeeyeen Beesha Dilla, Faro-galinta Deegaanada Ceel-bardaale ee Shisheeyuhu ku hayaan.
Cuqaashan iyo Waxgaradkan Reer Gabiley ayaa sidoo kale ka dalbaday Xukuumada in Mu'waadiniinta u xidhan Falkii Seemaal ee aan Wali Dacwadoodii la furin la furo, Isla markaana la hor geeyo Maxkamad, si Dambiga lagu eedaynayo loogu cadeeyo, oo hadii ay ku cadaato ku mutaystaan Ciqaab, hadii lagu waayana loo soo celiyo Xorriyadoodii.
Waxa kale oo Xubnahani ugu baaqeen Beesha Dhinaca Dilla ee Muran Dhuleedku ka dhexeeyo in ay isku yimaadaan oo ay Wada-Hadal ku dhammeeyaan Khilaafkii ka dhex taagnaa, Maadaama ay u muuqato in Gacmo shishe soo dhex galayaan, isla markaana ka cabsi qabaan in la sii cakirin karo Xaalada Deegaanadaasi Ceel-Bardaale.
Cuqaashan, Odayaashan, iyo Wax-garadkan Reer Gabiley ayaa Arrimahan kaga hadlay Shir-Jaraa'id oo ay Maanta ku qabteen Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley .
Caaqil Gaydh Cige Geele, Caaqil Nuur Cilmi Samatar, Oday Cumar Muxumed Seed (Laba-Suul), Oday Maxamuud Taani, Oday C/laahi Aw Axmed, iyo Oday Maxamed Xaddi, oo dhamaantood halkaa ka hadlay ayaa si wayn farta ugu go'day Sarkaalka iyo Ilaaladiisa la socotay ee Iyaga oo hubaysan dhex mushaaxayey Abaaro Labadii Habeenimo Deegaankii ay Dilalku hore uga dhaceen ee Ceel-Bardaale oo ahayd goob Xasaasi ah, waxaana Hadalladoodii ka mid ahaa:- "Waxaan Maanta ka hadlayaa Ninkaa Sarkaalka Ciidamada ah iyo Nimankii la socday ee ka yimid Laascaanood ee yimid halkaa Shaqaaqadu ka jirtay, oo aanaanu garanaynin waxay ka soo dooneen, Waxaanan Hambalyeynayaa Beeshaa qabatay ee aanu Jaarka nahay ee Abtiyaashayo ah hawshii ay ka qabteen, iyo waajibaadkaa ay guteen waan ku hambalyeynayaa. Waxaanan kala aragti nahay Aragtida ay ka qabaana waanu kala simanahay, Nabad-galyada iyo Cadaalada ayaa Dadka deeqda. Annagana waxaa Meeshaa nagaga dhacay Bambkii Horashiimo oo kale, waxaanu u sheegaynaa Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka iyo waliba Hay'adaha ay khusayso in dhacdadaa Maanta sideeda loo baadho, oo la dabo galo, oo Annaga iyo Beesha aanu Jaarka nahay ee Abtiyaashayo ah wixii caawimo ah ee lanooga baahdo ee aanu qaban karno la qabano". Sidaa waxaa yidhi Caaqil Gaydh Cige Geele, waxaanu Caaqil Gaydh ku daray Hadalkiisa: "Hadalkayagu Saaka cabasho maaha, ee Cadaalad ayaa Umada Deeqda, Waxay Xukuumadu ballan qaaday oo ay tidhi waxaa iyo waxaa ayaan labadii dhinac ee Dhibaatadu kala gaadhay ka keenayaa tidhina way jireen, sideedii haloo qaado ayaan leeyahay. Jeelka Somalilandna yaanu noqon Alambaqa, Alambaqadii Xabashida ee lagu ridi jiray uun, waxaan maqli jiray Ninkaa Alambaqa ayaa lagu riday oo Ninkaa lama arko, yaanu sidaa noqon ee Umadu hakala cadaato, oo Wixii dambi lihi Dambigiisa ha yeeshaan, wixii aan Danbi lahayna in la sii daayo oo uu Xor noqdo ayaa wanaagsan". ayuu yidhi Caaqil Gaydh Cige.
waxa kale oo uu ka hadlay dhibtii hore uga dhacday Deegaanada Ceel bardaale, "Dhibaatadii meeshaa(Ceel-Bardaale) ka dhacday Somaliland oo dhan waa la ogyahay Afarta Bayni Gar-jaanba Col ayaa lanagala yahay oo nagu furan, Waa in Nabad Galyada la sugo oo aanu Anagu ka shaqayno, oo Sidaa Abtiyaashayo yeeleen ee ay u sugeen aanu Anaguna ka Ilaalino wixii Umada wax u dhimaya ayaa fiican. Annaga oo aan lahayn Nimankaasi Dambigaasi ayay galeen, waxaanu garanaynaa Warbixinta la sheegay ee aanu anaguna daba galnay Raadkoodiina daba soconay, in ay ka soo yeedhay Toban Hadal oo is khilaafsan, Meeshuna maaha Meel Ciid laga qoto oo Shirkadahaa Qota, mana aha Meel Ciidan laga qorto oo Xeryahaa Dawladaha ayaa lagu qortaa Ciidamada. Jawaabahaa ka soo yeedhay aad iyo aad ayaanu ula yaabnay oo Shaki wayn ayaa nagu dhacay oo Falkii hore ah, Annaga oo markaa hadaanu hogaamiye dhaqameed nahay iyo hadaanu Odayaashii Beeshan nahay, iyo hadaanu Culimaa'udiinkii beesha nahayba aanu meel kasta gacanta Galinay oo aanu is fatishnay oo aanu dhexdayadii waxba ka waynay, inkastoo aan ka mid ahaa Odayaashii la xidhxidhay oo waanu waynay aanu nidhi oo raadkiisii ma hayno, oo hadana dhag jalaq la noo siinin. Maanta Annaga Shaki wayn oo Maskaxdu na qaracantay ayaa nagu dhacay. Dareeno faro badan ayaanu qabnaa Anaga iyo Abtiyaashayo oo aan dhexdayada ahayn oo Gacan shishe ayaa naga dhex faa'iidaysatay, doonaysana in mar kale ay naga dhex faa'iidaysato, Horena waxaa u socday rabitaankii Dawlada oo Hadalkayagii ma socon. Waar Il-gaara halagu eego, oo Baadhitaan Qoto dheer halagu baadho ayaan leeyahay". Ayuu ku soo gunaanada Caaqil Gaydh Cige Geele oo ka tirsan Cuqaasha Gobolka Gabiley.
Waxa kale oo Isaguna isla Shirkaa-Jaraa'id ka hadlay Caaqil Nuur Cilmi Samatar waxaana hadalladiisa ka mid ahaa: "Sadex aanu isku hallaynay, iyo Sadex noo qarsoomay ayaa Meesha(Arrintii Ceel-Bardaale) naga helay, Sadex ayaanu isku hallaynay oo Nabad ayaanu isku hallaynay, Dawlad ayaanu isku hallaynay, Cadaaladna waanu isku hallaynay. Sadexna waa noo dagmay, Nin aanaanu iska eegayni waa Noo dagmay, iyo Nimaanaanu iskaba dayinbaa Meesha soo galay, Meeshuna Bahallo galeen ayay noqotay. Beeshayaduna Tuhun ayay ku dhimatay Dambina waxba kumaanu lahayn ee Tuhun ayaa lanagu dilay, oo Anaga iyo Abtiyaashayo la isku garaacayo, Dawladuna way ogtahay in meeshu(Ceel-Bardaale) Xas noqotay. Waxaanan leeyahay Dawladu Indho-dheer ha u yeelato, Annaguna Indho dheer ayaanu ku eegaynaa, Walaalahayaga lanakala fidiyeyna Gacmaha ayaanu isku qabsanaynaa, halkaa wixii ku jira Anagu waanu u qumaynaa, Dawladuna ha u qumto". Sidaa waxa Yidhi Caaqil Nuur Cilmi Samatar . Waxaanu ku daray Hadalkiisa:
"Waxaan hadalkayga ku sii darayaa Aqalkan madow ee Inta Dadka lagu rido lagu illaawayo, halaga soo saaro oo Cadaalada hala hor keeno Nimankii Dawladu u xidhay Fal-Dambiyeedkii Dilka ahaa ee ka dhacay Deegaanka Ceel-Bardaale oo hadii ay ku cadaato Qoorta halaga gooyo, Annaguna waanu ku taageeraynaaye. hadii lagu waayana Tacdiibka halaga daayo oo Jeelka halaga soo saaro". Ayuu yidhi Caaqil Nuur Cilmi Samatar.
Oday Cumar Muxumed Seed (Laba-Suul) oo Isaguna Halkaa ka hadlay ayaa waxa hadalladiisa ka mid ahaa: "Waxaan Hambalyeynayaa Ciddii Meeshaa Xuska ah ee Galbeedka ah, ama Laascaanood ha ka yimaadaan, ama cirka haka yimaadaane, Abtiyaashayo iyo Dawladu siday Gacanta ugu dhigeen Nimankaasi. Hadii aanay qas iyo dhibaato kale wadina Idinkay idiin taala, Hadii ay Qas wadeena Min Laas-Caanood ilaa Gillin-Galool wax ka yaala Annagu waanu garan waynay. Soomaaliduna waxay tidhaahdaa Timir Lafbaa ku jirta, Mas'uuliyadaasi waxay u gaar tahay Xukuumada, iyo Cidii gacanta ku haysa, sida ay Bulshada uga shakiga saarayaan, iyo Xaaladooda iyo waliba wixii ay u jeedeen ay u sugayaan. Waxaanu Madaxwayne kaa codsanaynaa Dadkii Seemaal lagu soo qabqabtay, Meeshaasi Bam qarxay ayuunbay ahayd, Meeshana hadaad ciyaar u haysataan Nin kasta oo Somaliland la col ahiba wuu soo galayaa, Ninkii dhibaato kale wadaa wuu soo galayaa, Ninkii kula jaarka ah ee Soomaalinimadaada Gacanta kula jiraa wuu imanayaa. Dawladuna Gacmay leedahay, Gacmahaasi ama run ayay u sheegaan ama Been ayay u sheegaan. Waxaanu fiirsanaynaa arrintii Seemaal Farsamo xumo iyo miisaan la'aan, iyo hubsasho la'aan baa nagu dhacday. Annaguna waxaanu ka xishoonay oo aanu diidnay, in Annaga oo Madaxwayne ku dooranay in aanu Tiifiiga kaa xagxagano. Si arrin yahayba Dadkaa iska xidhxidhan in Maxakamad la hor keeno ayaanu codsanaynaa oo lagu soo cadeeyo Dambiga lagu eedaynayo". Ayuu yidhi Oday Cumar Muxumed Seed (Laba Suul).
Waxaanu Oday Laba suul ku daray Hadalkiisa: "Waxaan Tahniyadaynayaa Qoladan noo Abtiga ah, Abtiyaal meeshan Ninkii dan lihiba wuu soo galayaa, Kaayahayagii ayay ahayd in Maanta Annagana Sadex la dilo ayay u eegtahay Ilaahay Amarkii mooyaane, Alle waxba lama ogine, dabadeedna Idinka la idin soo xasuuqo, Hadii Ilaahay idiin bidh-bidhiyey oo aad aragteen, waad naga nasiib badnaydeen, Idinkana waxaan idin leenahay, dhibtu inaga dhaxayn mayso ee Lexo-jeclo ayaynu isku haynaaye Cid kale oo ina kala guraysaa ma jirtee, Dan ayaynu u wada hadliyoo, waxaan Ujeedo leenahay iyo Ahmiyadeena, iska lulan maynee, Gacmo-shisheeye iyo Siyaasada iyo Dawlado kalebaa soo galaye waynu ka tashan. Sidaasina Labadeenaba waa inoo dan". Ayuu yidhi Oday Laba suul.
Shirkan Jaraa'id ee Odayaasha Reer Gabiley qabteen ayaa ku soo beegmay Wakhti dhawaan ay Ciidan Beeleed ka soo jeeda Degmada Dilla ee ka tirsan Gobolka Awdal ku qabteen Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada Qaranka Somaliland oo lagu magacaabo Naasir Cago-Jiid iyo Sadex Askari oo la socday oo hubaysnaa. Kuwaas oo dhex tamashlaynayay Deegaamada Ceel-Bardaale oo In Muddo ahba Dirir Colaadeed ka dhex taagnayd Laba Beelood oo wada dega Deegaanadaasi. Iyada oo ay ahayd dabayaaqadii Sanadkii hore, Markii Dil loogu gaystay Sadex Nin oo ka soo jeeda Degmada Dilla Tuulada Seemaal ee ka tirsan Deegaanada Ceel-Bardaale. Falkaa Dilka ah oo lagu eedeeyey Beel ka soo jeeda Degmada Gabiley, kuwaas oo ku mutaystay Xadhiga Hal-doorkii Beeshaasi, Xil-ka-xayuubinta Saraakiil Sar-Sare oo ka tirsanaa Xukuumada, iyo Xasuuq Siyaasadeed oo loo gaystay guud ahaan Beeshaasi.