Isimada Puntland Ka Hadlay Dagaalkii sool iyo cayn

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Isimada Puntland Ka Hadlay Dagaalkii sool iyo cayn

Post by FBISOMALIA »

Garoowe [RBC Radio] Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdillaahi Cali Ciid ayaa ka hadlay dagaal ka dhacay duleedyada Laascaano iyo Buuhoodle oo u dhaxeeya Maamulada Khaatumo State iyo Somaliland .

Garaad Cabdillaahi oo la hadlay Saxaafadda gudaha ayaa aad uga hor yimid dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay duleedyada magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoole isla markaana si weyn u Canbaareeyey dagaalka.

Afhayeenku waxa uu ku eedeeyey Maamulka Somaliland in ay dagaalka kusoo qaaday duleedyada Laascaanood iyo Buuhoodle,wuxuuna intaas ku daray in aan loo dulqaadan karin Ciidamada Somaliland dagaalka gardarada ah ee ay wadaan.

……”” Dagaalka waxaa masuul ka ah Somaliland oo weerarka soo qaaday,waxay wado wax loo dulqaadan karo ma ahaan.waxaan leenahay dhulka si deg deg uga baxa ee aad xooga ku haysataan….”””’‘ ayuu yiri.

Sidoo Garaad Cabdillaahi ayaa ku tilmaamay hadal lala yaabo baaq nabadeed oo kasoo baxay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo balse waxa uu xusay in marka hore loo baahanyahay in Somaliland isaga baxdo dhulka ay haysato ka dibna la wada hadlo.

Maamuladda Khaatumo State iyo Somaliland labada dhinac ciidamo ka kala socday ayaa maalintii Axada dagaal ku dhaxmaray duleedyada magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle,waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta balse ilaa hadda majirto waan waan lagu joojinayo dagaalka iyadoona laga dareemayo saan-saan dagaal.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Injineer Maxamed Faarax Aadan ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay maalin ka hor ay ku lug lahayd Puntland isla markaana khasaare ba’an u geysteen Ciidamada Somalilad ee duulaanka soo qaaday.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Boosaaso.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”