Masuliyiinta Jubooyinka Horta Yey Matalaan? By Abwaan Stanza

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Hard-Rock
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1419
Joined: Sat Nov 18, 2006 8:16 pm
Location: Azania state of Somalia

Masuliyiinta Jubooyinka Horta Yey Matalaan? By Abwaan Stanza

Post by Hard-Rock »

Masuuliyiinta Jubbooyinka Horta Yey Matalaan?
Maqaal – JLN: Ilaa iyo inti ay saanqaadday dowladda Soomaaliya ee uu haatan sutida u haya madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, waxaa jira deeqo waxbarasho oo ay heshay dowladda Soomaaliya, kuwaasoo ay ka kala heshay dalalka Soomaaliya daneeya oon filaya inaad dhammaantiin dhugan kartaan ama kaba dharagsan tihiin waa intiinna u dhagafudud waxa dhulka ka dhacaya dhib iyo dheef noocuu doonaba ha ahaadee dhaqankii qarannimada u dhagraaricinayee.

Deeqahan waxbarasho ee uu dalku helay ama helaya waxaa ka mid ah saraakiil kala raacsan Laamaha Ciidamada iyo Waaxyaha Wasaarada dalka oo Aqoon-kororsi loogu diray dibadda, kuwaasoo raxan ka mid ah laga xulay Ardeeyda Soomaaliyeed ee ka qalinjabiyey Jaamacadaha dibadda oo cantoob ka mid ah laga qaaday dalalka Suudaan, Maleeshiya, Masar iyo kuwa kaloo ay ku badan yihiin Ardeeyda Soomaaliyeed, laguna soo tababaray dalal ay ka mid yihiin: Maleeshiya iyo dalka Isutagga Immaaraadka Carabta halkaasoo lagu soo carbiyey.

Kawaaddirtan koorsaadka soo qaatay ayaa in badan oo ka mid ah ay hadda ka shaqo billaabeen Laamaha Dowladda iyo Waaxyaha Wasaaradaha dalka oo la filaya in ay dib u howlgalaan kaddib xoreynta dalka iyo ka-adkaashada argagixisada Alshabaab ee Alqaacidda uga wakiilka ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed sidi loo dhibaateyn lahaa.

Abuuridda kawaadir kobciya kana qeybqaata dib-u-dhiska dalka waa farxad iyo faan ay ku fuudi karaan qaran-jecesha Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna inta ka xorta ah adeegaanimada shisheeyaha iyo siyaasadda gacan-ku-rimiska ah ee sida sharcidarrada ah dalka ugu soo muustay moolka iyo meermeertada murugada Soomaaliyana masallaha dhigatay marhore iyo maantaba loona baahan yahay in la helo maskax fayoow oo falkisa kana faraxalata.

Akhristoow raacda uu qoraaga maqaalkan u galay qalimeynta qeybta ay gobollada Jubbooyinka ka heleen deeqdan waxbarasho iyo sida loo maamulay fursadahana ama looga faa’iideysatay, ayuu qoraagu ku ogaaday in gobollada Jubbooyinka uu goraygu ka hadaafay, ragga Dowladda ugu jirana ay yihiin kuwa aan xitaa maalinna xil iska saarin qarameynta dadka ay magacooda ku qaraabtaan, abaalka ay u hayaanna uu yahay adeegsiga magacooda oo kaliya.

Saraakiisha loo carbiyey laamaha Dambibaaridda, Diblamaasiyadda iyo Baratakoolka ee Ardeeyda Soomaalida Suudaan laga qoondeeyey lagana qaaday oy kuwii ugu horreey dhawaan dalka gaareen, ayuusan ku jirin hal nin ah oo ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka, sidoo kale kuwa dalalka kale laga qaadayna kuma jira wax Jubbooyinka ka soo jeeda, waxeysan sidoo kale ku jirin ardeeyda Turkiga loo qaaday dhawaan marka laga reeba miduu qalinka qoraaga ka ilduufay ama uusan waliba ogaanin, hadduu jirana waa dhibic ay dhaayuhu ka xishoodeen tabintiisa.

Iney ku jiraan ma gar baa mise waa gardarro? Inta aadan weydiintan iiga warcelinin ma is-weydiisay ragga Jubbooyinka ugu jira Dowladda Soomaaliya in ay xitaa habeen ayagoo hurda ku riyoodeen iney dadkooda kobciyaan dhanka aqoontana ka dhisaan? Jawaabta akhristayaasha ayaan u deynayaa?

Soomaalidu waxey ku maahmaahdaa, “Wixi umusha u roon ayaa ilmahana u roon”, waxaan uga golleeyahay inaad gobolkaada wax u qabata waxey la mid tahay inaad qaranka iyo bulshoweynta Soomaaliyeed wax u qabatay, sidaas darteed walaalaha Jubbooyinka matalaya magac ahaan balse dadkooda hilmaamay ee ka kooban qabiil kastoo Soomaali ah ee daggan gobollada Jubbooyinka, ogaada qalinka Stanza idin ka maagi maayee, qoridda dhalliisha aad yeelataanna ka dhawrsan maayee dhab ayaan u sheegi doonaa Insha Allaahu, waayo, waa godob gobol iyo gaabis qarannimo haddii uu qalinka qoraaga marti aamusan idiin noqda, sidoo kale waa hagrasho iyo hagardaamo qofeed haddii uu ka seexdo waxqabadkiinna ama uu qiri waayo.

Waxaan qormadan maanta ku soo koobayaa weydiinta ah: Masuuliyiinta Jubbooyinka Horta Yey Matalaan?



Abwaan Maxamed Cabdiqaadir (Stanza)
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Jubada Hoose”