Held in Emir Nuur Secondary School in Garbahaaray. A Joint project started by Hirda, the Norwegian Government, and the Garbahaaray district administration to build the education capacity of the Region and to provide international scholarships for post-secondary
Saminaar loogu magac daray Kobcinta Aqoonta iyo Dhiiri galinta Ardayda Garbahareey
Garbahaareey Gedo Somalia,(GT)-Saminaarkani oo ahaa mid loogu magac daray kobcinta Aqoonta iyo diiri galinta Ardayda ayaa lagu qabtay Holka Saminaarada dugsiga Sare ee Amiir-Nuur Secondary School. waxaana Tababarkani soo qaban qaabisay Hay,ada Hirdo isla markaana maal galinaysay, waxaana howl wadeen ka ahaa hay,ada SEDO oo gacnta ku hayso dugsiga Sare Amiir-Nuur ee magaalada Garbahaareey.
Wali Maxamuud Cigaal oo ah wakiilka SEDO u fadhiyo gobolka Gedo oo gedotimes la soo xiriirey ayaa sheegey in qorshaha laga lahaa taba barkani uu ahaa sidii horey loogu sii kobcin lahaa aqoonta Ardayda iyo diiri galinta waaridka ee wax barashada, isla markaana ay ka soo qeyb galeen dhamaan gudiyada Iskuulada Garbahaarey sida gudiga iskuulaka Al-Anwar Primary and Secondary School, Gogol Primary School iyo Garbahaareey Primary School. Wali Maxamuud Cigaal wuxuu sheegey in tababarkani oo ay ka soo qeyb galeen Waaridiin badan uu ahaa mid faaiido weyn u leh wax barashada gobolka ayna dadka ka barteen wax weyn Waaridiintana lagu baraarujiyay in ay Arada la socdaan xaalka wax barashadooda.
Dhanka kale Maxamed Xasan Cilmi (Ifo) oo ah maamulaha dugsiga hoose dhexe ee Garbahaarey oo isna ka hadlay taba-barka maanta ayaa ku booriyay waaridiinta in ay xooga saaraan sidii ay ubadkooda ola socon lahaayeen waxbarashadooda iyo sidii waaridka uu u dhiiri galin lahaa Ardayga ku fiicnaada wax barashada. Saadaq Sheikh Daahir Cali oo ahaa Maamulaha Al Anwar Primary and Secondary School oo isna ka hadalay munaabada wuxuu ku tilmaamay Tabarka maanta mid si weyn faaiido oogu leh bulshada iyo gudiyada wax barshada wuxuuna sido kale ka hadlay xaalka wax barasho ee haatan uu gobolka marayo oo uu ku tilmaamay mid heer sara ah marka loo eego marxaladihii uu gobolka soo maray. Odayaal dhaqameed iyo culumo udiinkii ka soo qeyn galay tababarka ayaa oga mahad celiyay macalimiintii bixinaysay Saminaarka iyo barayaasha dugsiyada Garbahaareey dadaalka ay ogu jiraan kobcinta Aqoonta Ubadkooda.
Garbahaareey waxay haatan leedahay Dugsiyo Hoose dhexe oo badan oo intooda badan gaar loo leeyahay marka laga reebo Dugsigii Hoose dhxe ee Garbahaareey Primary School oo ay gacanta ku haysay Hay,adii NCA ee gashay Hay,ado dhowr ah oo ay Al Shabaab ka mabnuuceen Koofurta Soomaaliya tan iyo 1993 dii, waxaa sidoo kale jiro Dugsiga Sare ee Amiir-Nuur oo ay gacanta ku hayso Hay,ada Sedo isla mar ahaantaana ay ka caawiso dhanka Mushaarka macalimiinta Hay,ada laga leeyahay dalka Norway ee NCA. Ardayda kasoo baxdo Dugsiyada Sare iyo kuwa dhexe ee Garbahaareey waxay sanadadii danbe deeqo wax barasho ka helayeen dalalka Syria Suudaan iyo Yemen oo ay Jaamacado iyo Gugsiga Saraba kasii wadanayeen.
