Posted by: radiodahir Posted date: April 09, 2012 In: Links, Top Stories, Wararka | comment : 0
Mudane Shariif Sh Axmed Madaxweynaha TFG ayaa maanta xarunta Gobolka Banaadir uga qeybgalay Munaasabad ballaaran oo magaca looga bedelay Degmada wardhiigley islamrkaasna loo bedelay degmada warta nabadda iyadoo madaxweynaha khudbad uu jeediyay ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed ee Caasimadda ku nool inay u diyaar garoobaan Doorashada Madaxda Qaranka.
Dowladda KMg-ka ah waxa ay dooneysaa in Degmada warta nabadda ay martigeliso Doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo klae Madxaweynaha ayaa ka qeybqaatay Munaasabad ay wasaaradda warxabarashada kula wareegeysay dhismihii dugsigii hore ee waxbarashada General daauud ee Magaalada Muqdisho
