Qardho commnity reject Farole gov't & illegal term extension
Posted: Tue Apr 10, 2012 10:17 am
I think we all saw this coming after 4 years of neglecting places outside of Garowe. There are already other places that have rejected Farole and now we can count this area as one of them.
Let Farole add another year, because he wont be visiting anywhere in Puntland and will only stay in Garowe during that extra year.
Qardho: Waxgaradka Beelaha Cismaan Maxamuud Oo Kasoo Horjeestey Xil Kororsiga Xukuumadda Faroole
Kulan balaaran oo ay waxgaradka beelaha Cismaan Maxamuud beryihii u danbeeyey ku lahaayeen magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa maanta soo gaba gaboobey.
Kulankan oo ay ka qayb galeen in badan oo kamid ah waxgaradka, Nabadoonada, Siyaasiyiinta iyo Culimaa’uddiinka beelahaas ayaa gaba gabadiisii laga soo saaray bayaan dhinacyado badan taabanaya.
Bayaankaas oo ay ku saxiixan yihiin dhamaan waxgaradkii shirkaas ka qayb galay ayaa lagu sheegay in beelaha Cismaan Maxamuud ay si mideysan uga soo horjeedaan in xukuumadda hadda jirtaa ay xilka muddo sanad ah ku kororsato.
Talaabadaas ayaa sidoo kale bayaanka lagu xusay in hadii madaxweyne Faroole uu qaado ay noqonayso mid aan bulshada Puntland u cuntami karin islamarkaana ay tahay khalad aan sinaba loo qaadan karin.
Dastuurka cusub ee Puntland ee dhowaan aftida loo qaadayo ayaa Bayaankaas lagu sheegay in dhamaan waxgaradka iyo nabadoonada shirkaas ka qayb galay ay si aad ah ugu qanacsan yihiin islamarkaana ay usoo dhoweynayaan.
Waxaana ugu danbeyntii Bayaankaas oo ku socdey dhinacyo badan oo ay kamid yihiin Baarlamaanka Puntland, Golaha Xukuumadda, UNPOS iyo Ismada Puntland lagu sheegay inay lagama maarmaan tahay in laga feejignaado talaabo walba oo dhib horseedi karta.
Bayaanka shirkaas laga soo saaray Horseed Media isaga oo original ah saacadaha soo socda ayey idiin soo gudbin doontaa.