sayid mohamed abdille hassan thread
Posted: Tue Apr 10, 2012 6:57 pm
Before i get started i would like to make one request to the mods; if for any reason this thread becomes controversial and people begin to sway it away from its original intention, please deal with them and do not delete, move or lock this thread. the agenda In which i surmise so hard to bring is the poetry of the great leader and freedom fighter, sayid mohamed abdille hassan. Many of you have heard of him, well its time to read for yourself what you have heard of him. Many people, both old and young believe this great leader, this fallen hero of ours was a mass murderer. They often times forget or intentionally ignore to mention of all the attrocities committed against him and his daraawiish men. to make a long story short, i will bring you his poetry. Inshallah, i will make sure to post one everday. If you are a student of literature, whether In english or Somali and you are able to read Somali, then immerse your soul and body and pay this thread a closer attention because it is worth it. I intend to make this thread continous inshallah. With that said let us take a look at the first gabay.
This particular gabay is called ”walhad” which was the name of a horse he loved. It happens In the form of whats called ”hal abuur” because there is no repitition of a single word. Correct me if i am wrong.
Col haddii la wacaayo Lugi waa wantacoowe Walhadow guradiisa Walluu ii goglayaaye Ma naagtay wacanbaa?
Sibraar caanaha weeto Wabax looga dhergaayo Koorihii weshirraa iyo Wareersiyo muquuskiyo Maqaanii widhwidhaayiyo Sitaacuu walcinaayiyo Wiyilkii shaqlanaa iyo Waa feerow nadigii iyo Warmahaygakan dheer iyo Waaxidkaygan hadlaaya Intaasuu wadwadaayoo Waraarkuu ku sitaayoo Arba waalan sidiisa Wagwag buu u socdaayoo Wahsi loogama yaabee Wal-cafaari miyaa?
Haddii waaga la fuulo Wanahaarka boqoole Wahdi weeye qabowe Walwaal laydha miyaa?
Haddaan guuro waddiidno Walliilkii dhaxantii iyo Wahabkuu celiyaaye Ma dhar lagu wadhaa?
Wiido meeley ka fooftay Haddii weerar la tooxo Wegenbuu ka baxaaye Ma wajaaf la ridaa?
Wax hadduu qabsanaayo Jeenyuhuu wadhwadhaaye Wax ku haabadka qoobka Ma aar soo wahwahlaa?
Meel walaabiyo qaad iyo Rasaas laysku wirfaayuu Ka waldhaban hayaaye Ma wakiila Allaa?
Haddaan weecsho rogaalka Wiliftuu rogmanaayo Wadhfiskuu anbanaayo Ma wirriile didaa?
Nin weyn buu waddaraayoo Geesibuu waf jaraayoo Waallee yuu dhacsadaaye Wed miyaa kululaa?
Geela weeta irmaan iyo Weristii rimanaydiyo Wadaal buu eryadaaye Wabar xoogle miyaa?
Meel waaceen laga waayoo Dadkii gaajo la wiiqmuu Webxiyaaa dhergiyaaye Ma wajiina da’aa?
Afartii warhayaad iyo Waqiil laysku gargaariyo Waxtarbaan ku qabaaye Weli kheyr leh miyaa?
Walax duunyo ka roonoo Waalid layga abuuriyo Walaal baan ka dhigtaaye Ma wasiir gacalbaa?
Waayadaan arki waayoo Walbahaarka adduun iyo Welwel baan u dhintaaye Wadnahayga miyaa?
Diracahaa wacdigooda Wanan baan u qalaayoo Walanwaan u jaraaye Ma wadaad martiyaa?
Waldhacooyinka hoosiyo Waraaqiisa sudeenkiyo Wejigaan u subkaaye Ma wiilaan dhalaybaa? Weligay kama maarmoo? Wariirtii aqalkaygiyo Waageerkuu ku jiraaye Ma wasiir gacalbaa?
Afartuu ku walgaaftiyo Waqaafaha shulluhiisiyo Waaxyihiisa garaanta Ma sheekh waysa qabaa?
Walwaaleynta raqlaynta Laafyuhuu walqinaayo Is waraaari ruxiisu Ma wallays kibraybaa?
Afku waa waradh jeexanoo Biro laysku wakaabaa Walam loogu ridaayee Walaa-xawli miyaa?
Arraguu wax ku dhowro Wiriqdiisa bu’diisa Indhuhuu ka wacsiiyo Ma hillaac walaclaa?
Shinbiraha widhiftoodiyo Walax meel ka dhaqaaqday Widhwidh buu ku arkaaye Ma damuumis walaa?
Waawarayda dhawaaqa Haddii uu wax dareemo Dhagihiisa waryoonsan War dhegaysi miyaa?
Meel aan wuuw lala gaadhin Haddii wiirsi ka yeedho Waqtibuu maqlayaaye Ma taarbaa waddanaa?
Wafka uu lalminaayo Dabaduu walfinaayo Wisil baarka ku yaal Waras noocii miyaa?
Qoortu waa xusul waara Walcan weeye fankiisu Dushu waaleed bannaaniyo Welga xaadhan miyaa?
Haddaan ruugag wadhaansho Wadaaga gilgilaayo Wayruxuu cartamaayo Wiyil qooqan miyaa?
Wanqarkuu hardafaayo Watigluu u socdaaye Waylo raadis galbeed iyo Maa waayeel culusbaa?
Hadduu soo wafwafleeyo Wabwabtuu gurdamaayo Onkad waadi ka yeedhiyo Cir wanaanyi miyaa?
Haddii aan wegdihiisa Waydaar xoog leh ku dhaado Waantis buu u socdaaye Naafo waarrin miyaa?
Waddo jiidka socdaalka Dib ii weyricin maayee Waylay waaltamayaayee Wan kaalali miyaa?
Hadduu meel ku warmaayo Webiyaasha tallaabo Waxyar kaama maqnaadee Waa kaneey ma jinbaa?
Wijiwaaji qalaad iyo Waaleed Eebbe balaadhshuu Soo waraari ciyaaye Ma dabayl wahadbaa?
Hadduu weerar ku raago Walqas dhoobo madow iyo Watabiirka ma qaatee Warac caaggan miyaa?
Wiyeerkuu ka cabbaayo Waabka uu hadhsanaayo Shirku waw waddamaayee Waali duuban miyaa?
Wanaajoo iska dhaafaye Ammaantiisu wujuubiyo Watirkii ratibnaa iyo Wardigayga miyaa?