Tsunami laga cabsi qabo inuu ku dhifto Badweynta Hindiya

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

AhmedBoqor
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2986
Joined: Thu Jul 28, 2011 3:50 am

Tsunami laga cabsi qabo inuu ku dhifto Badweynta Hindiya

Post by AhmedBoqor »

Image


Digniino ayaa laga bixiyey in badgariir uu ka dhacayo badweynta Hindiya kuwaasi sababi kara Tsunami, waxana laga soo weriyey labo Badgariir inay ka dhaceen xeebaha Indonisia gobolka Aceh.

Badgariirka oo cabirkiisa lagu sheegay markii hore 8.6 ayaa markii dambe oo saacado la joogay waxaa lagu sheegay in uu cabirkiisu ahaa 8.3.

Xarunta Pacifiga ee digniinaha Tsunamiga (PTWC) ayaa soo saartay digniino la xiriira dhammaan badweynta Hindiya in taxadar gaar ah laga yeesho.

Hase yeeshee illaa iyo hadda wax qasaare ah oo badgariirka uu geystey lama soo sheegin.

Sanadkii 2004tii ayaa badgariir ka dhacay badweynta Hindiya waxaa ku geeriyootay in ka badan boqol iyo toddobaatan kun oo ruux gobolka Aceh oo qura, halka labo boqol iyo konton kun oo ruux ay guud ahaan gobolka oo dhan ku geeriyoodeen.

Wadamada laga soo saaray digniinta in Tsunamigu uu saameyn karo ayaa waxaa kamid ah dalka Soomaaliya.

Meelaha laga yaabo in Bad-gariirkan oo la sheegayo inuu wato hirar waa weyn ayaa waxaa ka mid ah Raas-Kambooni ilaa Raas-Caseyr ee Soomaaliya, sidoo kale xeebta Mombasa ee dalka Kenya ayaa iyana la calaamadeeyay inuu ka dhaco gelinka dambe ee maanta.

Waxaana laga cabsi qabaa in badgariirkan uu saameyn ku yeesho dalal badan oo caalamka oo kulaala badweynta Hindiya.

Wadamo badan oo ay ka mid yihiin Thailand,Indonisia iyo Hindiya ayaa laga dareemay badgariirka waxaana gobolo badan oo dalka Indonisia laga soo sheegayaa in dadweynaha ay ka carareen guryahooda iyagoo raadsaday meelo joog sare ah waxaana lag abilaabay masaajidyada ku yaal gobolada Indonisia in laga aqriyo Quraanka Kariimka ah, waxaana laga saaray isbitaalo badanoo ku yaal wadankaas bukaanadi ku jirey iyagoo laga cabsi qabo in badgariirka Tsunamiga uu saameeyo.

Iyadoo dalka Soomaaliya uu kamid yahay wadamada kuyaal badweynta Hindiya ayaa cabsi xoogan laga soo sheegayaa gobolo badan oo ku yaal xeebta badweynta Hindiya illaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo ay dowlada kumeelgaarka ah ka soo saartay badgariirkan.

Saacadaha laga yaabo in Tsumiga in uu ku dhufto wadamada iyo magaalooyinka ku yaal badweynta Hindiya

Thailand, Phuket – 12.18
Sri Lanka, Colombo – 12.20
Maldives, Gan – 12.37
Indonesia, Bali – 12.53
Malaysia, Georgetown – 14.11
Myanmar, Mergui – 14.16
Australia, Perth – 15.20
Mozambique, Angoche – 16.20
Iran, Gavater – 16.46
Somalia, Mogadishu – 16.58
India, Bombay – 17.08
Pakistan, Karachi – 17.44
Kenya, Mombasa – 18.06
South Africa, Durban – 20.10.
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Tsunami laga cabsi qabo inuu ku dhifto Badweynta Hindiya

Post by damu »

the last tsunami devastated the Bari coast i hope this time people are prepared!
User avatar
metamorphosis
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6039
Joined: Mon Sep 26, 2011 2:05 am
Location: Cali iyo haaruun, miyaa gabal isaaq ciilay? Reer Cali miyaa wada cuskaday, curadadii reerka?

Re: Tsunami laga cabsi qabo inuu ku dhifto Badweynta Hindiya

Post by metamorphosis »

The Tsunami call has been cancelled in indoensia. I don't know about Somalia but inshallah, it will not occur.
Pwani
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 677
Joined: Tue Feb 22, 2011 4:11 am
Location: Take ur somalia and shove it up in ur black ass, im puntlander first mkenya second......
Contact:

Re: Tsunami laga cabsi qabo inuu ku dhifto Badweynta Hindiya

Post by Pwani »

inshalah it wont happen, the world is getting scary by the minute, earthquakes,tsunamis, storms and floods came normal.. this is a punishment from Allah swt and this is what the mankind brought to them selvs by commiting what the lord prohibited..
AhmedBoqor
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2986
Joined: Thu Jul 28, 2011 3:50 am

Re: Tsunami laga cabsi qabo inuu ku dhifto Badweynta Hindiya

Post by AhmedBoqor »

The shocks were near Indonesia and our Muslim brothers are good for now.

[youtube]qoqJ9irCTYs&feature=player_embedded[/youtube]
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”