Garoowe (APL): Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay horumar la taaban karo ka samaysay dhismayaasha iyo wadooyinka Xaafadaha aada, kadib dadaalo badan oo dawladu ay ku bixisay ka dhaadhicin bulshada ee ka qaybqaadashada horumarinta deegaanka iyo hirgalinta qorsha Town-plan-ka Magaalada.
Magaalada waxaa ka hirgalay dhismayaal aad u qurux badan oo isugu jira Hotelo, goobo ganacsi iyo guryo caadi oo ka mid ah deegaanka qoysasku ay ku nool yihiin. Hadaba habeenimadii xalay ahayd waxaa magaalada garoowe ka dhacday xaflad balaaran oo lagu furayay Hotel Casub oo lagu magacaabay RAYAAN PARK HOTEL oo ku soo biiray Hoteelada ugu quruxda badan ee magaalada laga hirgaliyay.
Munaasabadii f uritaanka Hotelkan waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro,Xildhibaano,Isimo,Ganacsato & Dadweyne aad u fara badan .
Ayadaha Qur,aanka Kariimka ah kdin waxaa Hadalka qaatay Agaasimaha Rayaan Park Hotel C/qaadir Axmed Warsame waxaana uu ugu horeyn u mahadceliyey kazoo qaybgalayaasha Xafladda furitaanka Hoteelka,waxaana uu sheegay in hotelka hirgalintiisa ay ku baxday dhaqaale fara badan ayna ahmiyada mulkiilayaashu ahayd sidii ay u qancin lahaayeen Macaamiisha hotelkan.
Agaasimuhu waxaa uu sharaxay Qaybaha hoteelka & adeegyada cusub ee uu u hayo bulshada ,waxaana uu sheegay in Hotelkani uu ka koobanyahay 29 qol oo isugu jira kuwa qoysaska iyo noocyada shakhsiyaadka .
Agaasimuhu waxaa uu sheegay in uu hayo Adeegyada kala duwan ee ay ka midka yihiin.
1. Biyo Nadiif ah oo Macaan.
2. Cuntada &Cabitaanada
3. Amaanka oo aad looga Taxadaray
4. TV & Telefoonka lineka
5.Internerka
6. Shaqaale iyo Maamul xirfad dheer u leh howlaha shaqada Hotelka.
Agaasimaha Hotelka ayaa Bulshada u balanqaday in ay soo kordhindoonaan Hool cusub oo aad u mugweyn kaasi oo dadweynuhu ku qabsankaraan shirarka & kulamada .
C/fitaax Maxamed Cabdi (Kismaayo ) oo ka mid ah Ganacsatada Waaweyn ee Gobolka Nugaal ayaa isna lagu soo dhaweyey Codbaahiyaha waxaana uu u hanbalyeyey Maamulka Hotelka waxaana uu kula dardaarmay in ay joogteyaan adeegyada ay bulshada u qabanayaan oo ay ka mid tahay nadaafadda Goobta ,amaanka .
Suldaan C/salaan Maxamed Xaaji Axmed ayaa isna sheegay in ay soo dhaweynayaan odayaal ahaan Hotelkan cusub ee kusoo biiray kuwii hore ee ka jiray magaaladda Garoowe,waxaana uu suldaanku u duceeyey guud ahaan kazoo qaybgalayaasha munasabadda.
Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Puntland Xasan Jamac Faarax oo si rasmi ah xariga uga jaray Hotelkan ayaa sheegay in loo baahnaa soo kordhinta uu kusoo biiray magaaladda ,waxaana uu sheegay in Hotelkan uu yahay kii 40aad ee laga hirgaliyo magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.
Wasiirku waxaa uu sheegay in Ganacsatada looga baahanyahay in ay wadanka ka samaystaan maagashiyo iyadoo ay ka hirgalinayaan dhismayaasha & Goobaha noocani oo kale ah,waxaana uu ku baaqay in dowladu canshuuraha ka dhimayso adeegyada maalgashi ee laga hirgalinayo deegaanadda puntland. Munaasabadda Furitaanka ayaa ahayd mid kusoo gabagabowday jawi aad u heer sareeya.
Garowe : Rayan Park Hotel grand opening
Moderator: Moderators
- damu
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Garowe : Rayan Park Hotel grand opening
Re: Garowe : Rayan Park Hotel grand opening
Masha allah nice hotel. 

-
- SomaliNet Super
- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: Garowe : Rayan Park Hotel grand opening
not bad...how many stars? 

- Cinque Mtume
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4005
- Joined: Fri Mar 06, 2009 5:36 pm
- Location: Tres Puntos
-
- SomaliNetizen
- Posts: 677
- Joined: Tue Feb 22, 2011 4:11 am
- Location: Take ur somalia and shove it up in ur black ass, im puntlander first mkenya second......
- Contact:
Re: Garowe : Rayan Park Hotel grand opening


- ZubeirAwal
- SomaliNet Super
- Posts: 15174
- Joined: Sat Mar 19, 2011 1:05 pm
- Location: No one feels safe from hypocrisy except the hypocrite.
Re: Garowe : Rayan Park Hotel grand opening
Impressive 

- Cinque Mtume
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4005
- Joined: Fri Mar 06, 2009 5:36 pm
- Location: Tres Puntos
Re: Garowe : Rayan Park Hotel grand opening
Hotel = real estate broPwani wrote:40 hotels! In garowe alone People should invest in other sectors like real estates
-
- SomaliNetizen
- Posts: 677
- Joined: Tue Feb 22, 2011 4:11 am
- Location: Take ur somalia and shove it up in ur black ass, im puntlander first mkenya second......
- Contact:
Re: Garowe : Rayan Park Hotel grand opening
no i mean real estats as in residential estates, i dont think theres much profit in hotels in a city like garowe..but build villas and estates and locals or diaspora will flock to them 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 11 Replies
- 2090 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 27 Replies
- 4023 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 27 Replies
- 3816 Views
-
Last post by ooglibaax
-
- 13 Replies
- 1889 Views
-
Last post by hangool79
-
- 27 Replies
- 2523 Views
-
Last post by hangool79
-
- 23 Replies
- 2434 Views
-
Last post by InaSamaale
-
- 17 Replies
- 3456 Views
-
Last post by Typhoon
-
- 40 Replies
- 6519 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 51 Replies
- 7277 Views
-
Last post by gambit
-
- 25 Replies
- 7615 Views
-
Last post by barakaboy10