S/land:court sentences Somcable saboteurs for 5 to Prison

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

S/land:court sentences Somcable saboteurs for 5 to Prison

Post by Khalid Ali »

Maxkamada Gobolka Awdal Oo Xukun U Dhaxeeya 5 Ilaa 10 Sano Oo Xadhig Ah Ku Riday 32 Qof Oo Lagu Helay Inay Jareen Xadhiga Isgaadhsiinta Cable-ka Oo Maraya Deegaanka Lughaya.

Boorama (Ramaas) Apr 12,2012 – Maxkamada gobolka Awdal ayaa maanta xukun xadhig iyo ganaax lacageed ah ku riday 32 qof oo lagu helay inay jareen xadhiga Internet-ka Cable wakhtigii uu soo marayey deegaanka Lughaya ee gobolka Awdal.

Maxkamada gobolka Awdal ayaa maanta 32-kan qof ku kala xukuntay xadhig u dhexeeya 5 ilaaa 10 sanadood iyo waliba ganaax lacageed oo dhan 180,000 kun oo shilinka Somaliland ah, ganaaxaasi oo qayb ka ah ciqaabta xukunka lagu riday.

Kooxdan ayaa 21 ka mid ah lagu riday xukun dhan min 10 sano, halka 11-ka kalena lagu xukumay min 5 sanadood, iyadda oo 21-ka min 10-ka sano lagu xukumay xadhigooda maxkamadu ka dhigtay mid ay dibada iska joogayaan, balse haddii ay mar labaad waxyeeleeyaan xadhiga isgaadhsiinta Cable-ka ee shirkadda SOMCABLE ka soo xidhidhinayso dalka Jabuuti si toos ah loo xidhi doono.

Dacwadan oo ahayd mid Ciqaab ah waxa ku oogay 32 danbiile ku-xigeenka Xeer ilaaliayaha Gobolka Awdal Axmed Cismaan Mirre, kaas oo Maxkamadda horteeda kaga Oogay danbiyada loo kala haysto oo isugu jiray kuwo gacantooda ula tagay Xadhiga Cable-ka iyo kuwo abaabulay oo ku dhiirigalinayay.

Xukunkan dambiilayaashan oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiinta shirkada Somcable oo uu ka mid yahay wakiilka shirkadda ee gobolka Awdal Cabdi Xasan Tukaaale, ayaa waxa riday Guddoomiyaha maxkamada gobolka Awdal C/raxmaan Geedi Barre
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”