well doneBoosaaso(APL ) : Maxkamadda Darajada kowaad ee Magaalada Boosaso ayaa maanta Xukuno kala duwan ku riday rag lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Ururka Al-shabaab oo ay Ciidamdu amaanka ku soo qabteen Howlgalo ay ka sameeyeen gudaha Puntland. 4-kamida raga ku eedaysan inay ka tirsanaayeen ururka Al-shabab ayaa waxaa lagu riday dil toogashaa kuwaas oo maxkamadu sheegtay inay ahaayeen dadka dilalka ka gaysan jiray deegaanada Puntland lana beegsan jiray haldoorka waxku-oolka ka ah bulshada dhexdeeda.
Dilka Toogashada raga lagu xukumay
• Axmed Mahdi Muuse
• Kayse axmed Aadan
• Muumin Max'ed Cawaale
• Tawakal Cumar Darfure
Gudoomiyha Maxkamadda Darajada kowaad ee Magaalada Boosaaso Sh. Adan Aw Axmed ayaa sheegay in raga dilka toogashadaa lagu xukumay ay racfaan ka qaadan karaan maxkada ayna fursadaa haystaan 3 kale oo kamid ahaa eedaysanayaasha ayaa lagu xukumay min 10 sano oo xarig Ah
• C-laahi C-raxman Max'ed
• Xasan Xasan C-raxman max'ed
• Max'ud C-raxman Max'ed
• C/risaaq Faarax Samater
oo kamid ahaa raga maxkamada manta la keenaya ayaa waxaa lagu riday xukun dhan 3 Sanno ah • Barkhad Cali Max'ud waxa ay Maxkamadu ku Xukuntay hal Sano oo Xariga. Max'ed Axmed Diiriye,Sakariye Max'ed Axmed kamidka ahaa dadka lasoo eedeeyay ayaa waxaa maxkamadooda dib loogu dhigay maalinta Arbacadaa waxaana laga codsaday laamaha amaanka iyo maxkamada in Waxaana Eheladii Marxuum Lagu Magacaabay Cismaan Qarawo inay inta ka horeysa malinta arbacdaa dacwadooda soo gudbiyaan.
Sh. Adan Aw Axmed gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad kowaad ee Magaalada Boosaaso ayaa sheegay inay jiraan kiisas la hayo kuwaas oo dhawaan maxkamada la horkeeni doono dad ku eedeeysan inay kamid ahaayeen ururka Al-shabab ee dagaalka dawladda Puntland kula Jirto.
