"Waxaan leeyahay Indhihiinu yaanay Qaban xumaanta uun ee ha qabtaan......."Madaxweynaha Siillanyo.
Hargeysa (GNS)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) ayaa maanta khudbada dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyey shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) oo arrimaha Caafimaadka, Amaanka, Caafimaadka, Arrimaha Bulshada, Raashinka Mucaawimooyinka ah ee muranka badan dhaliyey ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan uga mahadnaqayaa dadweynaha Somaliland ee xilkan Madaxweynenimo ii igmaday.
Dhinaca Aqoonsi raadinta Somaliland waxaanu guul weyn ka soo hoynay shirkii London, iyada oo aan magacaabay Guddi Wasiiro ka kooban oo shir gogol xaadh ah u tagi doona Magaalada London.
Dhinaca dhaqaalaha waxaanu kobcinay dhaqaalaha dalka iyada oo dhaqaaluhu uu ahaa 42 Milyan oo Dollar, iyada oo aanu dar dar galinay oo aanu gaadhsiinay 86 Bilyan oo Dollar.
Bulsho kastaa waxay wax ku tahay oo lagu qiimeeya waxay la soo baxdo, markaa waxaanu dar dar galinay wax soo saarka, markaa waxa markii u horeysay carigeena lagu cunay bariis ka soo baxay dalkeena.
Sidoo kale waxaanu dar dar galinay kobcinta dumuqraadiyada, ururada waxaanu leenahay si sharaf leh u tar tama oo qadiyada ilaaliya oo kubada laaga idinkuna ha is laagina.
Dhinaca arrimaha bulshada balan qaadkayagu waxa uu ahaa in bulshada loo horseedo horumar iyo waxbarasho bilaash ah, taasina waanu hir galinay, waxaanan filayaa in ay halkaasi ka sii socoto.
Dhinaca caafimaadka waxaanu shaqaynay sidii aanu u hir gelin lahayn Cusbitaalada Casriga iyada oo dalka laga hir galiyey Cusbitaalo casriya.
Dhalinyarada waxaanu ka shaqaynay in aanu shaqaalaysiino dhalinyaro aad u tiro badan, kana hawl galno sidii talada dalka uga qayb qaadan lahaayeen, iyada oo Kubada cagta Gobolada Somaliland oo heer Qaran ah aanu qabanay.
Beelaha laga tirada badan yahay ayaa iyagana waxaanu u shaqaalaysiinay dad badan.
Dhinaca Cadaalada si ay Cadaalada dalka loo hagaajiyo waxaanu qabanay shir dib loogu eegayo dib u habaynta Cadaalada Dalka, taasi oo aanu dib u habaynta Cadaalada wax weyn ka qabanay.
Sugida amaankana waxaanu hir galinay ciidamada kala duwan ee dalka.
Warbaahinta iyo Saxaafada: waxaanu tayaynay wacyi gelinta, iyada oo Telefishanka Qarankuna la gaadhsiiyey Qaarada Yurub, waxaana dhawaaan iman doona idaacad dalka wada gaadha.
Dhinaca Sama falka iyo Mucaawimooyinka waxaanu maqalnaa dhaleecayn warbaahinta noo soo jeediso, may jiri jirin raashi la bixiyo, iyada oo ay ku dhici jirtay jeebadaha dad gaar ah, balse waxaanu ku guulaysanay in aanu gaadhsiino dadka danyarta ah raashinka.
Maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa: iyada oo anu ka hor taganayno musuq maaasuqa ayaa waxaanu hawl galinay hanti dhawrka qaranka, waxaananu sameynay guddida ka hor taga musuq maasuqa iyo maamul wanaaga, may dhici jirin masuul loo xidh xidho masuq maasuqa, balse waxaanu baadhitaan ku sameyna Dawladdaha hoose ee Hargeysa, Burco iyo Gabiley.
Dadka qaar waxaan leeyahay indhihiinu xumaanta uun yaanay arkin ee wanaaga ha arkaan dhagihiinuna wanaaga ha arkaan.
Waxaan munaasibadan ku xusayaa Mujaahidiintii naftooda u soo huray horumarinta dalka, Qaranimada Somaliland iyo Mujaahidiintii Xisbiga Kulmiye heerkan soo gaadhsiiyey ee ay ka mid ahaayeen Cali Maarshaal, Kayse Xasan Cige, Fagadhe iyo Masuuliyiintii kaleba dhamaantood waxaan ILAAHEY uga mahadnayaa in uu Naxariistii jano ka waraabiyo”.














. Father of Jamal Cali Xussien former officer in Somali army and later part of the struggle in the SNM. Markaa waa nin xataa taarikh fiican leh xaga halganka Somaliland.