
http://horseedmedia.net/2012/04/15/ciid ... aaso-gala/
Ciidamo Ka Cabanaya Mushahar La’aan Oo Mudo Saacado Ah Xiray Jidka Magaalada Boosaaso Gala
Updated:- 11 hours ago| 10 Commnets
Ciidamo gadoodsan ayaa gelinkii hore ee maanta xiray jidka gala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Ciidamadan oo ah kuwii Daraawiishta ee fariisimaha ku lahaa deegaanka Laag ayaa celiyey gaadiidkii magaalada ka tegey iyo weliba kuwii kusoo wajahnaa.
Sababta ay ciidamadani jidka u xireen ayaa ah kadib markii aysan mudo dhowr bilood ah wax mushaharaad ah qaadan.
Qaar kamid ah saraakiisha ciidamadaas oo ay Horseed Media xiriir la samaysay ayaa sheegay in 2-dii bilood ee ugu danbeeyey ay mushahar la’aan ahaayeen.
Wadada oo xirnayd mudo dhowr saacadood ah ayaa markii danbe lagu guuleystey in dib loo furo kadib markii ciidamadaas lagu qanciyey in sida ugu dhaqsaha badan cabashadooda looga jawaabi doono.
Talaabada ay ciidamada Daraawiishta ee deegaanka Laag ku sugani qaadeen ayaa ah mid meesha ka saaraysa sheegashadii xukuumadda hadda jirta ee ahayd in ciidamadu aysan bilna mushahar la’aan noqon tan iyo intii lasoo doortay.
Waxayna arintani kusoo beegmeysaa xilli maanta magaalada Garoowe uu ka furmay shirweynihii ansixinta Dastuurka cusub ee Puntland kaas oo ay maanta xafladdii lagu furayey mas’uuliyiin madaxweynuhu kamid yahay joogeen.
Si kastaba ha ahaatee shaqa joojinta ay maatna sameeyeen ciidamada Daraawiishta ee fadhigoodu yahay deegaanka Laag ayaa noqonaysa tii ugu horeysey ee dhacda tan iyo intii xukuumadda Dr. Faroole lasoo doortay.
Horseed Media