Khatumo attends conference on Constitution & post-Transition

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Khatumo attends conference on Constitution & post-Transition

Post by Executive »

Shirweyne looga tashanayay ka bixitaanka ku meel gaarka iyo dhammaystirka dastuurka oo ka dhacay Nairobi

Talaado, April 17, 2012 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu qabtay shir ay soo qabanqaabisay wasaarada dastuurka kaasoo looga tashanayay ka bixitaanka ku meel gaarka iyo dhammaystirka dastuurka qabyada ah.

Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya C/laahi Goodax Barre oo la hadlay kasoo qaybgalayaasha shirka ayaa sheegay in isaga iyo wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ay go’aansadeen qabashada shirkan oo uu ku tilmaamay wadatashi.

“Shirkaan waxaan u qabannay inaan idin la tashano sidii dalka looga saari lahaa marxalada ku meel gaarka ah, meeshaan dadka isugu yimid waa caqligii Soomaaliyeed” ayuu yiri Goodax.

Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil oo isna ka hadlay sida ay dawlada uga go’antahay dhammaystirka qorshaha roadmapka ayaa sheegay in aysan jirin wado kale oo Soomaaliya ay uga bixi karto ku meel gaarka iyo faragalinta shisheeye, hadii aan la helin dastuur dhammaystiran oo u dalku yeesho.

“Dastuurka dadka ansixinaya waxaa laga soo xulayaa qaybaha kala duwan ee dalka. Maadaama aan afti la qaadi Karin xilligan wadada noo furanna ay tahay midaan kaliya” Ayuu yiri Xoosh.

Waxaa uu wasiirku sheegay inay ogolyihiin in lala taliyo lana dhaliilo, waxaana u ku boorriyay hogaamiyayaasha qabaa’ilka in dadka ay soo xulanayaan ay noqdaan dad aqoon leh oo lagu aamini karo shaqada culus ee loo dhiibayo.

“Waxaan ka codsanayaa dadka aqoonta leh ee dalka badbaadin kara inay ka agdhawaadaan salaadiinta iyo ugaasyada si dadka lasoo xulayo ay u noqdaan kuwo tayo leh oo dalka badbaadiya” ayuu sii raacshay wasiirku.

Labada wasiir ayaa hoosta ka xarriiqay in baarlamaanka cusub ee dalka ay soo xuli doonaan hogaamiye dhaqameedkii soo jireenka ahaa.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Gallayr oo kamid ahaa siyaasiyiintii lagu martiqaaday shirka ayaa sheegay inuu taageersanyahay qorshaha Soomaaliya looga saarayo ku meel gaarka balse uu kasoo horjeedo qaabka wax loo maamulayo.

“Dadka lasoo xulayo waxaa la yiri waxaa soo xulaysa Puntland, annagu haddaan nahay Khaatumo ma aqbalayno in ay na matasho Puntland” ayuu yiri Gallayr.

Waxaana uu sheegay in Khaatumo ay u taagantahay oo dhiigeeda u daadinayso sidii looga hortagi lahaa kala goynta Soomaaliya.

“Dadka reer Khaatumo wuxuu dhiigoodu u qubanayaa waa adkaynta midnimada Soomaaliya, taasna cidna abaal uga dooni mayno” ayuu yiri Gallayr.

Shirkii maantay oo ahaa midkii ugu ballaarnaa ee muddooyinkan ka dhaca Nairobi oo ay kasoo qaybgaleen aqoonyahanno kala duwan ayaaa waxaa isku soo duba riday hay’ada ka shaqaysa arrimaha horumarinta sharciga ee (IDLO).

Madaxa hay’adaasi u qaabilsan wadamada Kenya iyo Soomaaliya Shirwac Maxamed Jaamac ayaa sheegay in looga fadhiyo waxgaradka Soomaalida ka tashiga aayaha dalkooda gaar ahaanna arrimaha haatan taagan ee ugu horreeyo dastuurku.

Madaxdii iyo aqoonyahannnadii kale ee shirka maanta kasoo qaybgalay waxaa kamid ahaa, C/kariim Xassan Jaamac, Daahir Geelle,madaxweynaha Ximin iyo Xeeb , madaxweynaha Azaaniya, madaxweynaha Mareeg State, Faadumo Jibriil, Batuulo Axmed Gabal,C/risaaq Khaliif Ashkir, C/laahi Axmed Azhari, Cawad Axmed Casharo iyo dadkale oo farabadan.

Former Minister Abdikarim Jama
Image

Image

TFG Minister of Planning and InternationalCooperation, Abdullahi Godah
Image
Image
Image
Image

Image
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Khatumo attends conference on Constitution & post-Transi

Post by original dervish »

excellent....keep up the good work on all fronts! :D :som: :up:
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Khatumo attends conference on Constitution & post-Transi

Post by Keyse_0208 »

Keep running around Nairobi as if the Kenyans will Liberate your home towns, while i hold laascaanood in check and put your shacab o sleep you Pusssies are running around Nairobi throwing irrelevant parties, begging kenyans to help you :lol: :lol:

pusssy-holes :(
Last edited by Keyse_0208 on Tue Apr 17, 2012 1:27 pm, edited 1 time in total.
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Khatumo attends conference on Constitution & post-Transi

Post by original dervish »

you dont hold shit...probably dont even hold a job. :D
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: Khatumo attends conference on Constitution & post-Transi

Post by Executive »

original dervish wrote:excellent....keep up the good work on all fronts! :D :som: :up:

Indeed :som: :som:
User avatar
Eaglehawk
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3557
Joined: Sun Dec 27, 2009 3:33 pm
Location: God, Clan and Country
Contact:

Re: Khatumo attends conference on Constitution & post-Transi

Post by Eaglehawk »

Keyse_0208 wrote:Keep running around Nairobi as if the Kenyans will Liberate your home towns, while i hold laascaanood in check and put your shacab yo sleep you Pusssies are running around Nairobi throwing irrelevant parties, begging kenyans to help you :lol: :lol:

bitch made ass Doofaars :(
keyse0208 wlc back i see you are not rehabilitated, lakin ado habar awal ah maha ka yaala laascanod, it’s not like somaliland dependent on the conquering spirit of habar awal no offence just politics
Image
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Khatumo attends conference on Constitution & post-Transi

Post by SahanGalbeed »

Faqashki Gaani la odhan jiray , waxa xuduuda Somaliya ka saaray e Jabuti u eryay , waa niman iska da' yara oo Keyse ay isku jilib hoose yihin , makaahil ba la yidha e barta

I do not approve laakin of Keyse's harrassing the dhulbahante > Haddaanad si ficaan u la kaftami karayn dadka inaad ka aamusto ayaa lagu qaatay
User avatar
Adali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10587
Joined: Fri Dec 09, 2011 4:04 pm
Location: Throw me to the hyenas and I will return laughing as the pack leader.

Re: Khatumo attends conference on Constitution & post-Transi

Post by Adali »

Image

who recognizes these men ?
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Khatumo attends conference on Constitution & post-Transi

Post by original dervish »

at least 3 of them were in London recently.
these people are laying the foundations of our future prosperity and security...may allah(swt) guide them all!
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Khatumo attends conference on Constitution & post-Transi

Post by KyrieJama »

Dastuurkan aad haa laga firsado, qulubta somalida haa isku dhaweyso kala dambayn la'an baa halkan na dhigay. :som:
samadoon-waaxid
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4228
Joined: Tue Feb 10, 2009 9:48 pm
Location: telling Siilaanyo's daughter ictiraaf bed time stories

Re: Khatumo attends conference on Constitution & post-Transi

Post by samadoon-waaxid »

THE TWO tfg MINISTERS GETTING SQUEEZED BY KHAATUMO AND ALA SHEIKH.tHIS DUSTUUR SHOULD NEVER PASS,ITS A PIECE OF SHIT AND NOT WORTH THE PAPER IT WAS PRINTED ON.
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: Khatumo attends conference on Constitution & post-Transi

Post by Executive »

Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”