Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha Wasaarada Arimaha Gudaha DKMG Soomaaliya Oo Shukaansaday Gabadhii Dhawaan Tiyaatarka Isku Qarxisay Intaysan Is Qarxin Ka Hor
April 17, 2012 |
Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha Wasaarada Arimaha Gudaha DKMG Soomaaliya Oo Shukaansaday Gabadhii Dhawaan Tiyaatarka Isku Qarxisay Intaysan Is Qarxin Ka Hor
April 17, 2012 | Filed under: QORMOOYIN | Posted by: admin
Mid ka mid ah shaqaalaha wasaarada arimaha gudaha ee dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa loo qabtay tuhunka la xiriira cidii fududeysay qaraxii ka dhacay tiyaatarka qaranka 4tii bishan April kaasoo ay masuuliyadiisa sheegteen Alshabaab isla markaana tuhun dhex dhigay masuuliyiinta dowladda federaalka ugu sareeya.
Ruuxan la qabtay oo aanan weli magaciisa helin ayaa la sheegay in hay’adda nabad sugidu ay ka dhex aragtay mid ka mid ah cajaladihii goobta laga duubay isaga oo la sheekeysanaya gabadhii is qarxisay, waxaase markii wax laga weydiiyey aqoonta uu gabadhaasi u leeyahay uu sheegay inaanu arag gabadhaasi aqoona u lahayn inkastoo markii cajalada loo daaray uu isku difaacay inuu shukaansanayey.
Muuqaalka ayaa sida la sheegay laga dhex arkay isaga iyo gabadha oo sheekeysanaya, dhowr mar ayuu ka tagay una soo laabtay, markii ugu dambeysay oo uu ka tagay ayey gabadhii soo istaagtay oo is qarxisay.
Arintan ayaa sii xoojinaysa in qaraxan ay fududeeyeen qaar ka mid ah hay’adaha dowladda, waxaana baaritaanka iyo su’aalaha ninkaasi la weydiinayo ay haatan ku wajahan yihiin inay jiraan masuuliyiin sare oo wasaaradaasi ka tirsan oo wax ka ogaa qaraxa. Wasaaradda arimaha gudaha ayaa ka mid ahayd hay’adaha dowladda ku meel gaarka ah ee garabka ra’iisul wasaaruhu ay ku eedeeyeen inay masuuliyadooda ka soo bixi waayeen, iyada oo la wada ogsoon yahay in wasiirka wasaaradaasi oo goobta ku casuunaa uu soo xaadiri waayo, taasoo shakiga sii xoojineysa.
Qabashada ninkan iyo rag kale oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaysa xili ay is heytaan madaxda sare ee dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, iyadoo ra’iisul wasaaraha iyo wasiiradii kale ee halista galay ay ku doodayaan in ay jiraan masuuliyiin ka tirsan dowladda oo wax ka oogaa arintan iyagoo su’aalo ka keenay sababta ay masuuliyiin uu madaxweynuhuk a mid yahay oo meesha lagu casuumay u soo xaadiri waayeen. Dhinaca kalena madaxweynaha ayaa wixii ka dambeeyey eedeyntii uu u soo jeediyey wasaarada warfaafinta aan hadal dambe laga maqlin.
Gudigii la sheegay in loo xilsaaray soo baarida qaraxan iyo cidii ka dambeysay ayaanan warkiisa dib dambe loo maqal, waxa kaliya ee socdaa waa dad ay xirxireyso hay’adda nabadsugida oo lafteeduba ka mid ah hay’adaha ay fartu ku godan tahay.”
Booramaonline Desk
Muqdisho/Soomaaliya
Terrorist mastermind claims he was dating the suicide bomber
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Terrorist mastermind claims he was dating the suicide bomber
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Re: Terrorist mastermind claims he was dating the suicide bo
Alshabaab Exposes TFG involvement in the theater Homicide attack
Al-shabaab Oo Ku Dhawaaqday In Qaraxii Tiyeetarka Muqdisho Ay Ka Caawiyeen Masuuliyiin Ka Tirsan Dawlada Ku Meel-gaadhka Ah Ee Soomaliya
Muqdisho (Ramaas) Apr 12,2012 – Kooxda Al-shabaab oo dhawaan qarax lagu hoobtay ka fulisay gudaha Magaalada Muqdisho, gaar ahaan guriga Murtida iyo madadaalada ayaa sheegtay in qaraxaasi ay ka caawiyeen masuuliyiin ka tirsan dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya.
Sarkaalka Al-shabaab ugu sareeya gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaraxaasi oo ay fulisay haweenay Al-shabaab ka tirsan oo isku soo xidhay walxaha qarxa ayaa sheegay inay u fududeeyeen masuuliyiin ka tirsan dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya “Qaraxii Tiyaatarka Mas’uuliyiin Dowladda Ka Tirsan Ayaa Naga Caawiyey”ayuu yidhi.
Sheekh Maxamed Xasan Cumar oo ah masuulka Al-shabaab ee hadalkan sheegay oo aan carabaabin magacyada masuuliyiinta u fududeeyay weerarkan isqarxinta ah ayaa hadalkiisu xoojinayaa hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxwaynaha dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya oo sheegay in qaraxaasi ku yimid khalad ay sameeyeen guddida qaban-qaabada xaflada qaraxa lala beegsaday.
Qaraxan Al-shabaab sheegtay in laga caawiyey ayaa waxa ku dhintay dad badan oo masuuliyiin ah, sidoo kalena waxa dhaawacyo ka soo gaadheen wariyayaal badan oo qaarkood ku laxaad beeleen.
Masuuliyiinta dawlada ku meel-gaadhka ah ee dhaawacyadu ka soo gaadheen qaraxaasi ayaa qaarkood todobaadkan ku dhinteen cisbitaal ku yaala Magaaladda Nairobi.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 24 Replies
- 1809 Views
-
Last post by Arabischer
-
- 10 Replies
- 1555 Views
-
Last post by Sbashi
-
- 4 Replies
- 491 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 0 Replies
- 288 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 0 Replies
- 617 Views
-
Last post by COSTA
-
- 10 Replies
- 1054 Views
-
Last post by Mondey
-
- 9 Replies
- 1249 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 41 Replies
- 2723 Views
-
Last post by kambuli
-
- 3 Replies
- 523 Views
-
Last post by ~Arabman~
-
- 4 Replies
- 895 Views
-
Last post by COSTA