Terrorist mastermind claims he was dating the suicide bomber
Posted: Tue Apr 17, 2012 3:48 pm
Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha Wasaarada Arimaha Gudaha DKMG Soomaaliya Oo Shukaansaday Gabadhii Dhawaan Tiyaatarka Isku Qarxisay Intaysan Is Qarxin Ka Hor
April 17, 2012 |
Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha Wasaarada Arimaha Gudaha DKMG Soomaaliya Oo Shukaansaday Gabadhii Dhawaan Tiyaatarka Isku Qarxisay Intaysan Is Qarxin Ka Hor
April 17, 2012 | Filed under: QORMOOYIN | Posted by: admin
Mid ka mid ah shaqaalaha wasaarada arimaha gudaha ee dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa loo qabtay tuhunka la xiriira cidii fududeysay qaraxii ka dhacay tiyaatarka qaranka 4tii bishan April kaasoo ay masuuliyadiisa sheegteen Alshabaab isla markaana tuhun dhex dhigay masuuliyiinta dowladda federaalka ugu sareeya.
Ruuxan la qabtay oo aanan weli magaciisa helin ayaa la sheegay in hay’adda nabad sugidu ay ka dhex aragtay mid ka mid ah cajaladihii goobta laga duubay isaga oo la sheekeysanaya gabadhii is qarxisay, waxaase markii wax laga weydiiyey aqoonta uu gabadhaasi u leeyahay uu sheegay inaanu arag gabadhaasi aqoona u lahayn inkastoo markii cajalada loo daaray uu isku difaacay inuu shukaansanayey.
Muuqaalka ayaa sida la sheegay laga dhex arkay isaga iyo gabadha oo sheekeysanaya, dhowr mar ayuu ka tagay una soo laabtay, markii ugu dambeysay oo uu ka tagay ayey gabadhii soo istaagtay oo is qarxisay.
Arintan ayaa sii xoojinaysa in qaraxan ay fududeeyeen qaar ka mid ah hay’adaha dowladda, waxaana baaritaanka iyo su’aalaha ninkaasi la weydiinayo ay haatan ku wajahan yihiin inay jiraan masuuliyiin sare oo wasaaradaasi ka tirsan oo wax ka ogaa qaraxa. Wasaaradda arimaha gudaha ayaa ka mid ahayd hay’adaha dowladda ku meel gaarka ah ee garabka ra’iisul wasaaruhu ay ku eedeeyeen inay masuuliyadooda ka soo bixi waayeen, iyada oo la wada ogsoon yahay in wasiirka wasaaradaasi oo goobta ku casuunaa uu soo xaadiri waayo, taasoo shakiga sii xoojineysa.
Qabashada ninkan iyo rag kale oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaysa xili ay is heytaan madaxda sare ee dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, iyadoo ra’iisul wasaaraha iyo wasiiradii kale ee halista galay ay ku doodayaan in ay jiraan masuuliyiin ka tirsan dowladda oo wax ka oogaa arintan iyagoo su’aalo ka keenay sababta ay masuuliyiin uu madaxweynuhuk a mid yahay oo meesha lagu casuumay u soo xaadiri waayeen. Dhinaca kalena madaxweynaha ayaa wixii ka dambeeyey eedeyntii uu u soo jeediyey wasaarada warfaafinta aan hadal dambe laga maqlin.
Gudigii la sheegay in loo xilsaaray soo baarida qaraxan iyo cidii ka dambeysay ayaanan warkiisa dib dambe loo maqal, waxa kaliya ee socdaa waa dad ay xirxireyso hay’adda nabadsugida oo lafteeduba ka mid ah hay’adaha ay fartu ku godan tahay.”
Booramaonline Desk
Muqdisho/Soomaaliya