Page 1 of 1

Beesha Yonis ee Ciidagale selects a Suldaan in Hargeysa

Posted: Wed Apr 18, 2012 2:25 pm
by Siciid85
Beesha Yoonis Cabdiraxmaan oo ka tirsan Beelaha Daauud Ismaaciil (Ciidagale) oo maanta Suldaan Cusub ku Caleemo Saartay magaalada Hargeysa.
Image

Image

Image

Image

Hargeysa/ToggaHerer 15 April 2012

Waxa maanta Magaalada Hargeysa Gaar ahaan Hotel Kaah lagu Caleema Saaray Suldaan Cusub oo ay Yeelanayso Beesha Yoonis CabdiRaxmaan oo ka tirsan Beelaha Daa`uud Ismaciil (CiidaGale).

Suldaan Axmed Cusmaan Cadagude

Suldaan Axmed Cismaan Cadagude ayaa manta lagu boqray Magaalada ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin isugu jira Salaadiin, Cuqaal, Xildhibaano, Wasiiro iyo Marti Sharaf kale.


Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland ayaa Illaahay uga Baryay Suldaan ka Cusub in uu u Fududeeyo Xilka Loo Igmaday Waxanu kula Dadaarmay in uu noqdo kii lagu soo Hirto ee Dhexdhexaadnimo iyo Wada jir ku Shaqeeya.

Odayga Wey nee Reer Somaliland Xildhibaan Xaaji CabdiKariim Xuseen Yusuf ( Xaaji CabdiWaraabe) oo isna Madasha Caleemo Saarka Suldaan Axmed Cismaan Cadagude ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay Caleema saarkani tii ugu horeysay ee Nooceeda ah ee uu ka qayb galo waxaanu sheegay in Sababta uu Xafladan iyo Caleemo Saarka Suldaankan uga soo qayb galay Tahay aqoonta dheer ee uu u leeyahay Suldaanka Cusub isaga oo Xaajigu sheegay in ay soo Wada Shaqeeyeen Suldaanka Cusub Awawgii Cadagude oo ahaa Oday Nabadeed ugu Danabayntii Xaaji Cabdikariim Ayaa Suldaanka Cusub Illaahay uga Baryay in uu noqdo kii lagu Dego.

Waxa iyana sidoo kale Madasha Caleemo Saarka Suldaan Axmed Cusmaan Cadagude ka hadlay Madax ay ka mid yihiin Boqor Raabi ,Sul Yusuf Xiirey iyo Madax kale..

Hargeysa
http://togaherer.com/beesha-daauud-isma ... -hargeysa/

Re: Beesha Yoonis-Ciidagale elects a Suldaan in Hargeysa

Posted: Wed Apr 18, 2012 2:26 pm
by SahanGalbeed
Mabruuk .

Re: Beesha Yoonis ee Ciidagale elects a Suldaan in Hargeysa

Posted: Wed Apr 18, 2012 2:29 pm
by Khalid Ali
Welcome new sultan of Beesha Yoonis eeh Ciidagale :sland: :up:

Re: Beesha Yonis ee Ciidagale selects a Suldaan in Hargeysa

Posted: Wed Apr 18, 2012 4:49 pm
by Eaglehawk
Siciid85

suldaankan reer mataan miya?

Re: Beesha Yonis ee Ciidagale selects a Suldaan in Hargeysa

Posted: Wed Apr 18, 2012 8:03 pm
by Siciid85
Nah Reer Mataan is a sub clan part of the wider Cabdallah Cabdirahman, while the Yoonis clan is Yoonis Cabdirahman. It is like wiil iyo awoowgiis.

Re: Beesha Yonis ee Ciidagale selects a Suldaan in Hargeysa

Posted: Wed Apr 18, 2012 11:11 pm
by Somalistan
YONIS :up:

cilmi Boondheri AUN was Yonis.. :)