Somali Special Forces carry out search missions in Banadir

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

RovingMadness
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2910
Joined: Mon Apr 04, 2011 2:39 am
Location: SNET's Resident Boogeyman

Somali Special Forces carry out search missions in Banadir

Post by RovingMadness »

Image

Ciidammada Alfa-group oo howlgalkii ugu ballaarnaa Muqdisho ka sameeyay

Published on April 19, 2012 by Feysal   ·   No Comments  ·   446 views
Ciidammo si gaar ah u Tababarran oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo dhan kale taliska Nabad Suggida qaranka gobolka Banaadir uu faah faahin ka bixiyay holwgalkaasi iyo sida uu u dhacay.

Ciidammada sida gaar ah u Tababarran ee loo yaqaanno Alfa-group ayaa xalay howlgal ballaaran ka fuliyay degmooyinka Yaaqshiiq, Warta-Nabadda iyo Dayniile, halkaasi oo lagu soo qab qabtay kooxo lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Ciidammada Alfa-group oo ah ciidammada ku Qalabbeysan Qoryaha Casriga ah, isla markaana wajiga u xiran yahay ayaa howlgalkooda waxa uu ahaa abid kii ugu ballaarnaa ee laga sameeyo Muqdisho, taliyaha Nabad Suggidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in howlgalkiii xalay ay sameeyeen ciidammada Alfa-group in uu ahaa ammar ka soo baxay guddiga amniga qaranka.

Waxa uu xusay in howlgalka uu si gaar ah uga dhacay xaafaddaha kala ah Xamar Jadiid, Wadda Warshadaha, Ifka Xalane, Gubta iyo xaafaddo kale, waxa uu intaa ku daray in lagu soo qab qabtay kooxo falal amni darro ah faraha kula jiray, isla markaana howlgalka uu sii socon doono.

Dhinaca kale taliyaha Nabad Suggidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalladani ay yihiin kuwa is daba joog ah oo lagula dagaallamayo Al-Qaacidda iyo cid walba oo amni darro ka shaqeeneysa, isagoo intaa ku daray in Muqdisho dib dambe aysan  uga dhicin doonin dil sharci darro ah.

http://radiomuqdisho.net/ciidammada-alf ... -sameeyay/
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Banaadir”