Qardho: Qaar Kamid Ah Waxgaradka Iyo Cuqaasha Beelaha Cismaan Maxamuud (Majeerteen) Oo Soo Dhoweeyey Ansixinta Dastuurka
Qaar kamid ah cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Cismaan Maxamuud (Majeerteen) ee ku dhaqan gobolada Karkaar iyo Bari ayaa si diiran usoo dhoweeyey ansixinta Dastuurka cusub ee Puntland oo shalay magaalada Garoowe lagu meel mariyey.
Qaar kamid ah cuqaasha iyo waxgaradka beelahaas oo siyaabo kala duwan ula soo xiriiray warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in ansixinta Dastuurku ay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.
Gudoomiyaha golaha Guurtida iyo Nabadoonada ee Beelaha Cismaan Maxamuud, Nabadoon Maxamed Aadan Cali (Xangaag) ayaa kamid ah waxgaradka ansixinta Dastuurka sida aadka ah usoo dhoweeyey, wuxuuna mar uu Horseed Media la hadlayey sheegay in arintaasi ay tahay guul usoo hoyatey umadda Puntland islamarkaana ay mudneyd in hadda kahor lagu dhaqaaqo.
Ganacsade Cabdilaahi Muuse Xay oo ah ganacsade caan ka ah Soomaaliya iyo guud ahaan geeska Africa oo isna isaga oo degmada Qardho ku sugan warbaahinta Horseed Media la hadlay ayaa sheegay in ansixinta Dastuurku ay tahay tilmaan cad oo muujineysa sida ay Puntland uga go’an tahay taaba gelinta nidaamka dowladnimo.
Ganacsade Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay guud ahaan bulsho weynta Puntland inay horay u socdaan islamarkaana aysan dib ugu noqon wixii laga soo gudbey, nabadda iyo harumarkana ay si wada jir ah uga shaqeeyaan, isagoo intaas raaciyey in Dastuurku uu gundhig u yahay dowlad walba, Dastuurka la’aantiisna aysan wax maamul iyo kala danbeyn ahi jiri doonin.
Sidoo kale Cabdilaahi Cali Qood oo isaguna kamid ah waxgaradka gobolka karkaar ayaa kamid ah dadka soo dhoweeyey ansixinta Dastuurka, Cabdilaahi Cali wuxuu sheegay in ay wax lagu farxo tahay in Puntland 13-sano kadib ay yeelato Dastuur rasmi ah oo cod aqlabiyad leh lagu ansixiyey.
Mr Cali Qood oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay Ansixinta Dastuurka Puntland ay tahay tallaabo u gogol xaareysa in Puntland ay ka gudubto nidaamka maamul ee beelaha ku dhisan oo ay in mudo ah kusoo jirtey ayna u gudubto nidaamka maamul ee Dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka ku salaysan axsaabta badan arintaasoo horseedeysa maamul wanaagsan oo ay sinaanta iyo cadaaladdu saldhig u yihiin.
Si Puntland ay uga gudubto nidaamkii lagu soo dhisay oo ah kan ay hadda ku shaqeyso waxa uu Cabdilaahi Cali Qood sheegay inay lagama maarmaan tahay in nidaamka loo hayaamayo loogu guuro si taxatar leh iyadoo aan laga tegeyn baahinta maamulka iyo sixidda khaladaadkii yar yaraa ee horay u dhacay.
Si kastaba ha ahaatee ansixinta Dastuurka Puntland ayaa waxaa si isku mid ah usoo dhoweeyey dhamaan bulsho weynta ku dhaqan gobolada kala duwan ee Puntland inkasta oo ay jiraan dadka qaar wadnaha farta ku haya iyagoo ka cabsi qaba in dhamaadka sanadkan ay Puntland ka dhacaan carqalado ay dabada ka riixayaan siyaasiyiin uu damacoodu yahay sidii ay xilka madaxtinimada ee Puntland u hanan lahaayeen.
Haseyeeshee Puntland ayaa u muuqata xiligan mid ka gudubtey wakhtigii xoogga iyo muquuninta wax lagu xalin jirey una gudubtey xilli ay dadku dood wadaag iyo wada hadal khilaafaadkooda ku xaliyaan.
Horseed Media
Qardho
qardho clans accept ansixinta new dastuurka puntland
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: qardho clans accept ansixinta new dastuurka puntland
bad for haters rightquark wrote:



-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 731 Views
-
Last post by Cinque Mtume
-
- 2 Replies
- 609 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 131 Replies
- 8374 Views
-
Last post by ZubeirAwal
-
- 2 Replies
- 552 Views
-
Last post by Cusmano
-
- 4 Replies
- 762 Views
-
Last post by damu
-
- 0 Replies
- 356 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 492 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 423 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 525 Views
-
Last post by RebelLion
-
- 2 Replies
- 875 Views
-
Last post by Firefly