Wasiirka Caafimaadka Pl meet with Baargaal Delegation

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wasiirka Caafimaadka Pl meet with Baargaal Delegation

Post by FBISOMALIA »

Image

Garowe (Puntlandi) Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa xafiiskiisa ku qaabiley maamulka iyo odayaasha degmada Baargaal ee Gobalka Bari iyadoo ay ka wada hadleen xaalada caafimaadka ee degmada Baargaal iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa hormarinta caafimaadka degmada.

Shirka uu la qaatey Wasiirku waxgaradka Degmada Baargaal ee Gobalka Bari ayaa sidoo kale waxaa kasoo qaybgalay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland Salaad Xareed Cali iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo arimaha diinta ee Puntland oo labaduba kasoo jeeda Degmada Baargaal ee Gobalka Bari.

Maamulka iyo waxgaradka Degmada Baargaal ee Gobalka Bari waxay wasiirka caafimaadka dowladda Puntland u sheegeen in degmada Baargaal ay ka mid tahay degmooyinka Puntland ee laamiga ka baxsan loona yaqaano gaari waa, waxgaradku waxay carabka ku dhufteen in adeegyada caafimaadku ay ku yar yihiin degmada ayna leeyihiin oo kaliya hal MCH.

Waxgaradka Degmada Baargaal waxay sheegeen inaysan degmada Baargaal aysan lahayn Isbitaal dadka degmadaas ku noolna ay aad u tiro badan yihiin dhibaatana ay ku qabaan dhanka caafimaadka oo Isbitaalka ugu sokeeya uu yahay Isbitaalka Boosaaso.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa uga mahadceliyey maamulka iyo waxgaradka degmada Baargaal ee Gobalka Bari ee soo booqdey xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland wuxuuna wasiirku uga waramay dadaalada ay wasaaradda caafimaadku wado ee ku aadan sare u qaadida caafimaadka degmooyinka laamiga ka baxsan.

Image
Wasiirku wuxuu u sheegay maamulka iyo waxgaradka degmada Baargaal in wasaaradda caafimaadku ay adeegyada caafimaadka gayso dhamaan degmooyinka Puntland ayna Baargaal ka mid tahay meelaha ugu badan ee ay xarumaha caafimaadku ku yaaliin sida MCH-yo iyo baro caafimaad (Health Post). Wasiirku wuxuu u sheegay waxgaradka degmada Baargaal in Wasaaradda caafimaadku ay doonayso xarun lagu daweeyo cudurka qaaxada (TB) inay ka furan Degmada Baargaal hayeeshee looga baahan yahay maamulka iyo waxgaradka Baargaal inay gacan ka gaystaan oo ay ka shaqeeyaan laftoodu in xaruntaas laga furo degmada Baargaal.

Wasiirku wuxuu kaloo u sheegay waxgaradka Baargaal in looga baahan yahay inay gacmaha isqabsadaan oo ay ka shaqeeyaan caafimaadkooda, amaankooda iyo waxbarashadooda markaasna ay helayaan taageero, wuxuu tusaale ugu soo qaatey degmooyinka shacabkoodu dhistey Isbitaalada sidaas si lamid ah ayuuna wasiirku u sheegay in looga baahan yahay dadka reer Baargaal.

Image
Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland Salaad Xareed Cali ayaa wasiirka caafimaadka Puntlnad uga mahadceliyey dadaalada ay wasaaradda caafimaadku ay wado wuxuuna uga mahadceliyey xarunta TB-da ay wasaaradda caafimaadku ka furayso degmada Baargaal isagoo gudoomiyuhu uu sheegay in shacabka degmada Baargaal ay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan hormar iyo waxqabad wixii u wada ayna la shaqeynayaan.

Masuuliyiinta maamulka Degmada Baargaal iyo Odayaasha degmadaas ee la kulmay Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa waxay ka mid ahaayeen ergooyinkii kasoo qaybgalay shirkii ansixinta Dastuurka Puntland. Degmada Baargaal ee ay ka socdeen ergadan ayaa ka mid ah degmooyinka Gobalka Bari ee xeebta badda cas waxayna ka mid tahay meelaha ugu badan ee ay wasaaradda caafimaadku gaarsiiso adeegyada caafimaadka, waxaana hadda la qorshaynayaa in laga furo xarun lagu daweeyo cudurka qaaxada iyadoo dadka Baargaal ee xanuunkaas qaba ay daawooyinka ka qaataan Xarumaha TB-da ee Boosaaso iyo Qardho, marka looga furo degmada Baargaal waxay u noqonaysaa fursad bukaanada xanuunkaas laga helo in daawada loogu geeyo meel ay ka gaari karaan.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”