W.Amniga Puntland oo la kulmay Jaaliyadda PL ee dalka Cumaan

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

AhmedBoqor
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2986
Joined: Thu Jul 28, 2011 3:50 am

W.Amniga Puntland oo la kulmay Jaaliyadda PL ee dalka Cumaan

Post by AhmedBoqor »

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowladda Puntland Co/.Khaliif Ciise Mudan oo maalmahaan booqasho howleed ku joogay dalka Cumaan ayaa caawa kulan la qaatay Jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan dalkaas.

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Salalah gobolka Dufaaf ee Dalka Cumaan waxaana kasoo qaybgalay Ganacsato,Cuqaal,Dhalinyaro,Arday iyo Haween.

Dadka ka hadlay kulanka waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Cumaan Barkhad Sheekeeye,Ganacsade Cabdishakuur Siciid,Ganacsade Aadan Soodaani,Ganacsade Xabiib Mire,Faarax Xaaji Mire oo ka tirsan Shirkada Golis iyo dad kale.

Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Jaaliyadda Cumaan ayaa ku saabsanaa arrimaha Ganacsiga iyo la dagaalanka kooxaha Burcad badeeda oo halis ku noqday ganacsiga labada dhinac ee Cumaan iyo Puntland.

Waxaa la isku raacay in hal meel looga soo wada jeeso,waxaana sidoo kale la iskusoo qaaday arrimaha dukumintiyada foojariga iyo sidii looga hortagi lahaa.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga Puntland C/samad Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo ka tirsan Jaaliyadda Cumaan iyo Imaaraatka Carabta oo Booqasho Ku Jooga Dalka Cusmaan ayaa kulanka kasoo jeediyay hadalo qiimo badan isagoo ganacsatada usoo jeediyay in ay Dowladda kala shaqeeyaan amaanka iyo horumarka.

Ugu dambeyntii Wasiirka Amniga Co/.Khaliif Ciise Mudan oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in ay dhamaan wax ka qabanayaan caqabadaha hortaagan ganacsatada iyo Jaaliyadda,waxaana uu ka codsaday Jaaliyadda in ay amaanka kala shaqeeyaan.

Wuxuu u sharaxay Jaaliyadda dadaalka ay Dowladda Puntland wado sida nabadgalyada,horumarka,arrimaha dimoqraadiyada iyo sidii Dowlad Soomaaliyeed loo heli lahaa.

Jaaliyadda dalka Cumaan ayaa dhinaca kale soo dhoweysay ansixintii dastuurka cusub ee Puntland iyagoo talaabo horumar balaaran ku tilmaameen isla markaana loo gudbaayo nidaamka xisbiyada badan.
Image
Image
Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”