Page 1 of 1

PL supreme court accept the new dastuur

Posted: Sun Apr 22, 2012 6:54 am
by FBISOMALIA
Garowe, April, 22 - Wareegto kasoo baxday xafiiska maxkamada sare ee Puntland ayaa lagu sheegay in Dastuurka dawladda Puntland uu yahay mid sharci ah, loona baahan-yahay dhaqan-galintiisa, maadaama ay cod aqlibiyad ah ku ansixiyeen ergooyin dhan 472.

Qoraalkaan kasoo baxay garsoorka sare ee Puntaland ayaa loo dhigay sidatan. Kaddib markii maxkamada sare ay aragtay qodobada 95, 141, iyo 10-aad ee ku salaysan xeerka afti u qaadista iyo codaynta Dastuurka maxkamadu waxay caddaynaysaa in Dastuurkaan uu yahay mid sharci ah loona baahan-yahay shacabku inay ku dhaqmaan.

Wareegtadaan oo kasoo baxday xafiiska guddoonka garsoorka sare ee Punland ayaa ahayd mid ogolaanshaheeda lawada-dhawrayay, maadaana ay cadayd natiijada codaynta tirada ansixisay Dastuurka Puntland.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir Garowe.