Dhaawacyadan oo 6 kamid ah dhaqaatirta caafimaadku ay hada ku dabiibayso Xarunta Haweenka ee gobolka Mudug xaalado dhinaca xanaanaynta ah awgood ayaa la tilmaamayaa in 3 ka mid ah ay xaaladoodu aad u liidato mudana magaalada Gaalkacyo lagu dabiibayay.
Dhaawacyadan waxaa ka mid ah Wiil da’ yar iyo dad Waayeel ah kuwaas oo ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen dagalkii Sool-joogto ay ku soo qaadeen Ciidamada Soomaaliland.
Warbaahinta puntlandi oo maanta booqatay dhaawacyadan iyadoo u kuurgalaysa xaaladooda Caafimaad ayay ka soo qaaday Sawiradan.



