
Magaalada Muqdisho Oo Maanta Si Aan Horey Loo Arag Amaankeeda Loo Adkeeyay,Waa Maxay Sababtu ?
April,23,2012-Muqdisho-(Cadcee) Ammaanka caasimadda Muqdisho ayaa saakay si weyn loo xoojiyay, waxaana xeran waddooyinka magaalada, halkaasi oo ay ku sugan ciidammada sida gaarka ah u Tababarran ee Nabad sugidda xilli ay magaalada ka socota dabaal dagga sannad guurrada 52-aad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ciidammada nabad sugidda ayaa saakay la wareegay ammaanka guud ee caaasimadda dalka ee Muqdisho, iyagoo xidhay dhammaan waddooyinka magaalada, isla markaana la soconaya dhaq dhaqaaqa guud ee dadka iyo gaadiidka, si jawi deggan loogu dabaal dago sannad guurrada 52-aad ee aas aaska ciidammada Xoogga dalkeenna Soomaaliya.
Sidoo kale ciidammada GAASHAAN oo ka mid ah ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saakay markii ugu horreysan farriisimo ka sameyntay dulleedyada magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka illaalin doonaan ammaanka magaalada Muqdisho oo maanta marti gallineysa dabaal degga sannad guurrada 52-aad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya.
Waxaan deggan guud ahaan jawiga caasimadda, iyadoo aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ka baxan ciidamamda oo waddooyin magaalada oo idil ku sugan.
