Madaxweynaha Mareeg State oo ka digay Khilaafka
Posted: Mon Apr 23, 2012 5:41 pm
hogaamiyayaasha dawlada.

Isniin, April 23, 2012 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Mareeg State ayaa ka digay khilaaf soo kala dhex gala hogaamiyayaasha dawlada xilligan oo lagu gudo jiro xaalad kala guur ah.
Isagoo waraysi gaar ah siinayay Hiiraan Online ayaa Dayib Maxamuud Sheekh Axmed uu nasiib darro ku tilmaamay khilaaf ay maalmahaan saxaafadu hadal haysay oo la sheegay inuu u dhexeeyo madaxweyne Shariif iyo ra’iisul wasaare C/wali.
Dhanka kalana Dayib ayaa ka hadlay xaaladda kala guur ah ee dalku uu haatan ku jiro isagoo sheegay in marxalada haatan Soomaaliya ay ku jirto looga gudbi karo oo kaliya in la helo hogaan tayo leh oo wadaninnimo ku jirto.
“Soomaaliya waxay u baahantahay inay hogaamiyaan dadkeeda waxbartay ee wadaniyiinta ah, waan kasoo daalnay in reer hebel meel lagu tago” ayuu yiri madaxweynaha Mareeg State.
“Waxaan ugu baaqayaa odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaannada iyo golaha ansixinaya dastuurkaba, inay soo xulaan dad waayo arag ah, oo leh aqoon, horayna aan dalka dambi uga galin oo la ogyahay inay yihiin dad waddankooda jecel” ayuu sii raacshay.
Dayib ayaa ku boorriyay qurbo-joogta Soomaalida inay ka qaybqaataan dib u dhiska dalkooda.
“Qurbo-joog ayaan ahay aniguba waxaana igu dhaliyay inaan dalka ku soo noqdo markaan arkay baahida jirta, caqligii iyo aqoontii dalka waxaa lala soo aaday qurbaha waana in dalka dib loogu celiyaa” ayuu markale yiri Dayib.
Waxaa kale oo uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu kulamo kula qaatay Uganda iyo Kenya masuuliyiin sare oo ka tirsan kuwa wadamada gobolka iyo caalamkaba uuna kala hadlay xilliga kala guurka.
Hadalka madaxweynaha Mareeg State ayaa ku soo beegmay xilli Soomaaliya ay marayso marxalad xaasaasi oo la isu diyaarinayo doorashada dhici doonta August iyo is badallada kale ee ka horreeya.
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Nairobi , Kenya