
Garowe: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maantey soo bandhigtey isbadal ay ku sameysay qaab dhismeedka (Structure) wasaaradda caafimaadka ee dhanka shaqada, wasaaraddu waxay qaab dhismeedkeeda kusoo kordhisay 2 waaxood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah
1. Waaxda Gurmadka iyo Wacyigalinta caafimaadka bulshada (Emergency and Health Promotion Department)
2. Waaxda Caafimaadka Reer Guuraaga iyo Barakacayaasha (Nomadic Health and IDPs Department
Munaasibadii lagu daahfurayay labadan waaxood ee lasoo bandhigay ayaa waxaa kasoo qaybgalay wasiirka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame, Agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka Dr. C/risaq Xirsi Xasan, Shaqaalaha Wasaaradda iyo hay’adda caafimaadka ka shaqeeya qaarkood.
Wasiirka Caafimaadku wuxuu ka codsaday hay’addaha ka shaqeeya caafimaadka inay gacan weyn ka gaystaan labadaas waaxood ee lasoo kordhiyey oo shaqo muhiim ah qaban doona.
Wasaaradda caafimaadka Dowladdda Puntland oo lagu tilmaamo hogaanka wasaaraddaha xukuumada Puntland waxaa uu yoolkeedu yahay ama ay hiigsanaysaaba inay ka jawaabto qaylo dhaan kasta oo daryeel caafimaad oo la soo gudbiyo, waxaa kale oo ay wasaaraddu xooga saartey inay dalka dib ugu soo celiso khibradlayaal caafimaad kuwaas oo dalka yimid kadib markii ay soo jiidatey shaqada dhanka caafimaadka ah ee dalka ka socota.
“ Qaabdhismeedkani cusub waa kii labaad ee aanu abuurno tan iyo markii aan xilka la wareegnay waxaana aan hadda ku samaynay isbadal sidoo kale labo waaxood ayaan abuurney oo aan kusoo kordhinay qaabdhismeedkan aad u jeedaan waa labo waaxood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah Waaxda gurmadka iyo wacyigalinta caafimaadka ee bulshada taas oo ujeedkeedu yahay in waaxdu ay durba ka jawaabto wixii shil ama masiibooyin caafimaad daro oo dilaaca isla markaasna ay waaxdu baraarujin u samayso bulshada kuna wacyigaliso caafimaadka iyo inay bulshadu ka shaqeeyaan caafimaadkooda, nadaafadooda iyo hormarinta caafimaadka deegaanadooda waaxdan waxay ka shaqeyn doontaa mashruuc kasta caafimaad wixii wacyigalin ah wasaaradda caafimaadka waxaa u qaabilsan waaxda gurmadka iyo baraarujinta caafimaadka (Wacyigalinta), waaxda labaad ee aanu kusoo kordhinay qaab dhismeedka wasaaradda waxaa weeye waaxda caafimaadka reer guuraaga iyo barakacayaasha waxaad ogtihiin in dadkeena 60% ay reer baadiye yihiin markaa dadkaas caafimaadkooda in laga shaqeeyo waa waajib, waaxdan waxay leedahay koox caafimaad oo guurguuraysa (Mobile Clinic) kana jawaabaysa hadba goobtii caafimaad daro laga soo sheego dhakhaatiirtooda, daawadooda iyo gaadiidkooduba waa u diyaar waxaa kaloo iyana ay waajib tahay In laga shaqeeyo caafimaadka dadkeena barakacayaasha ah ama xabadi haka soo kaxayso deegaankoodii ama abaari haka soo kaxaysee iyagana qorshaha ayaan ku darsanay waxana laga shaqeyn doonaa caafimaadkooda iyo ka shaqeynta nadaafadda guud iyo fayadhowrkooda” ayuu yiri wasiirka caafimaadka Puntlnad Dr. Cali C/laahi Warsame.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka Dr. C/risaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadku ay asbuucyadii u danbayay ay ka shaqeynaysay isbadalka ay ku samaysay qaabdhismeedka wasaaradda kadib ayuu yiri agaasimuhu markii ay haboonaatey in isbadal lagu sameeyo qaabka ay waaxyaha wasaaraddu ay u shaqeeyaan. Qaabdhismeedka cusub ee wasaaradda caafimaadka ayaa agaasimaha guudi sheegay inay ku cadahay qof kasta oo shaqaale ah waaxda uu hoos tago iyo qaybta uu ka shaqeeyaba.
Wasiirka Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa isaguna dhankiisa ka warbixiyey ujeedka labada waaxood ee ay abuureen taasoo uu ku micneeyey wasiirku inay muhiim noqotey in la helo waaxo qaabilsan gurmadka deg deg ah, wacyigalinta iyo ka shaqeynta caafimaadka reer guuraaga iyo barakacayaasha oo ah dad u nugul xanuunada una baahan in il gaar ah lagu eego.

