Habargedir Political unity biggest state in Central Somalia
Posted: Wed Apr 25, 2012 6:35 pm
Wafdi isugu jira siyaasiyiin iyo xildhibaano oo galabta gaaray degmada Guriceel
SHABELLE MEDIA NETWORK APRIL 24, 2012
Guriceel: (Sh. M. Network) Wafdi uu hogaaminayo Axmed C/salaam, Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya iyo ku dhawaad 10 xildhibaan ayaa galabta gaaray magaalada Guriceel, iyagoo kulamo la qaatay Ahlu Sunna Waljamaaca.
Wafdigaani oo isugu jiray siyaasiyiin, Janaraalo ciidan, waxgarad iyo xildhibaano ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa galabta waxa ay gaareen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.
Wafdiga ayaa waxaa horkacayay Ra’iisul wasaare kuxigeenkii dowladii C/laahi Yuusuf Axmed, Axmed Cabdi Salaam, iyadoo ay la socdeen 7 xildhibaan oo ka tirsan Barlamanka iyo saraakiishii hore ee ciidanka Soomaaliya.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ahaa xildhibaanadii Barlamanka ee maaanta gaaray Magaalada Guriceel, ayaa Shabelle u sheegay in ay durba kulan la qaateen masuuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca oo uu ka mid yahay gudoomiyaha golaha fulinta ee culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Max’uud Yuusuf Xeefow.
Jeesow waxa uu sheegay in dad aad u farabadan oo sida caleemo qoyan ay aad ugu soo dhaweeyeen magaalada, isagoo xuisay in Ahlu Sunna ay kala hadleen sidii loo sii dar dar galin lahaa dagaalada lagula jiro Al Shabaab, iyo qaabka looga saari karo degmooyinka haatan ay kaga suganyihiin gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay isla soo hadal qaadeen qorshe ay doonayaan in maamul dhameystiran oo dadku ay u dhanyihiin loo sameeyo gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, kuwaasi oo uu sheegay in laga wada xoreyn doono Al Shabaab.
Daahir Amiin Jeesow waxa uu carabka ku adkeeyay in go’aankaani ay qaateen kadib markii sida uu sheegay dowladda KMG Soomaaliya ay ku fashilantay maamul u sameynta gobolada dhexe ee Soomaaliya, isagoo tusaale ugu soo qaatay maamulkii ay u sameysay gobolka Hiiraan oo uu sheegay in uu fashilmay.
Socdaalka maanta masuuliyiintaani ay ku tageen gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Guriceel ayaa imaanaya xili maanta odayaasha, waxagaradka, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka soo jeeda beesha Habargidir kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ay ku sheegeen in ay maamul u sameyn doonaan gobolada dhexe ee Soomaaliya.