Xildhibaan Abdiweli Shiikh Maxamed oo ka mid ah masúuliyiinta iminka joogta Magaalada Dhuusamareeb ayaa mar uu qadka telefoonka ugu waramayey Warbaahinta Kismaayo24.com sheegay inay halkaasi u joogaan isku soo dhaweynta dadka wada degan gobolka Galgaduud kaasi oo lagu sameynayo kulamo ay la qaadanayaan dadka deegaankaasi degan.
Abdiweli Shiikh Maxamed ayaa sheegay inuu dhacay kulan u dhexeeya Xildhibaanada kasoo kala jeeda Cabudwaaq iyo Guriceel kuwaasi oo iska xogwareystay sida loo wajihi karo mideynta beelaha wada dega gobolka Galgaduud islamarkaana socdaalo ay ugu kicitimi lahaayeen magaalooyin uu ka carabaabay Cabudwaaq.
” Waxaan hadda Dhuusamareeb joognaa 24 saac oo kaliya, Waxaana ku kulanay meeshan xildhibaano dhigayaga ah una dhashay deegaanka oo kasoo degay Guriceel kana yimid Muqdisho kuwaasi oo aan horey ugu balanay in aan Dhuusamareeb isugu imaano, Dadka degan halkana si fiican ayey inoo soo dhaweeyeen kadibna waxaan galnay shir aan isaga warameynay xaaladaha Muqdisho iyo Cabudwaaq oo aan ka kala nimid” Ayuu yiri Xildhibaan Abdiweli Shiikh Maxamed Awmaxamuud.
Xildhibaanka ayaase sheegay inuu jiro shirar kale oo ka dhici kara magaalooyinka Cabudwaaq iyo Dhuusamareeb kuwaasi oo looga hadlayo in waji cusub loo sameeyo gobolka dhexe kadib 21 sano oo dagaalo sokeeye lagu jiray. Isagoona fursad dahabi ah ku tilmaamay inuu maanta furmo shirar lagu xalinayo wixii kala gaaray dadka deegaanka.
” Laba meeloodba waa ka dhici karaa shirka kuwaasi oo kala ah Caabudwaaq ama Dhuusamareeb,sababta uu u dhacayana waxaa weeeye dadka dagan galkan 21 sano ayuu ku soo jiray dagaalo sokeeye,si taasi looga baxo ayaan dooneynaa in aan sameyno wadahadalo u jeexi kara dadka deegaanka inay isku socdaal oo ay nabad kuwada noolaadan,iyadoo ugu danbeyntii loo sameynayo deegaankasta maamul u gaarka ah” Ayuu yiri Xildhibaan Abdiweli.
Waxaa uu Xildhibaanku si weyn u fogeeyey inuu jiro hadaf ay ku doonayaan Maamul Goboleed laga hirgelinayo deegaanada ay iminka socdaalka ku joogaan,waxaase uu sheegay inuu maamulka ay rabaan uusan wadan magac Maamul Goboleed balse ay rabaan maamul dadka deegaanka ay dhistaan oo heer degmo iyo wada noolaansho ku eg oo kaliya. Xildhibaanka oo wareysi dheer oo arrintan ku saabsan siiyey Shabakada Warbaahinta Kismaayo24.com waxa uu yiri .
HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA XILDHIBAAN Abdiweli Shiikh Maxamed Aw-Maxamuud uu siiyey KISMAAYO24.COM
” Anigu ilaa hadda waxa aan ogahay wax ka jiraan ma leh arrintaasi, Laakiin Soomaalida waxay dhaqan u leeyihiin hadba qolo markii ay wax bilowday ayey inta kale daba-raacdaa, Maamul Goboleed iyo Dowlad Goboleed waxay kala yihiin laba, Dowlad Goboleed waa wax kale, Laakiin Maamul Goboleed waa mid ay sameystaan dad isku gobol ah oo waa la sameyn karo oo aanu dooneyno, Balse arrinta isku dayashada ah ee Dowlad Goboleedka ah oo ay soomaalida sameysato ma ahan mid aan dooneyno” Ayuu yiri Xildhibaan Abdiweli.
Shirarka ka bilowday Dhuusamareeb ayuu ku sheegay inuu ahaa kuwa soo jiitamayey ilaa Xamar iyo ka hor shan bilood markii ay imaanayeen Cabudwaaq,isagoona sheegay inay waagaasi isla soo qaadeen xildhibaanadooda labada dhinac ah ee isla jooga maanta Dhuusamareeb waxbadan looga qaban lahaa ammaanka gobolka iyo maamul adeg oo loo helo dadka deegaanka. Waxaana uu sheegay in dhamaan xildhibaanada beesha Sade isku raacsan yihiin kana warqabaan howlaha ay u joogaan Dhuusamareeb.
Xildhibaanka oo ka hadlayey diidmada kasoo yeertay qaar ka mid ah Ahlusunadda Cabudwaaq ee diidan shirka Dhuusamareeb ayuu sheegay inuusan isaga maqal warkaasi balse uu u aqoonsan yahay Ahlusunna inay yihiin madaxda iyo Maamulka kaliya ee ka jira Gobolka Galgaduud,isagoona cadeeyey in aan la sameyn doonin wax aysan ku jirin maamulka Ahlusuna. Laakiin waxaa uu yiri in ay dhici karto in wixii jiray dib u habeyn lagu sameeyo.
” Ilaa hadeer maamul aan goáansanay in aan sameyno ma jiro,Ahlusuna iyagana waxaan u naqaan inay yihiin maamulka jira gobolka oo waliba nasoo dhaweeyey, laakiin sidii wax la iskula qaban lahaa oo loo sii adgeyn lahaa maamulka laguna soo kordhin lahaa aqoonyahano cusub iyo wajiyo cusub ,taasina macnaheeda ma ahan in wixii inoo dhisnaa la diidan yahay. Waxaan maqli jiray Maqaayad hebal waa la xiray oo dib u habeyn heer sare ah ayaa lagu sameeyey, Haddaba waxaagii oo lagu hagaajiyey macnaheeda yaan laga dhigan in wixii jiray la burburinayo” ayuu yiri Xildhibaan Abdiweli Shiikh Maxamed oo ka hadlay aragtida diidmadaha ah ee kasoo yeertay qaarka mid ah Ahlusuna.
Ugu danbeyntii waxaa uu Xildhibaanak wareysigan dheer ee ku aadan xaalada siyaasadeed ee gobolka Galgaduud uga hadlay war kasoo yeeray Madaxweynaha maamulka Cadaado oo ka dhigay kulamada Dhuusamareeb kuwa ku aadan hal beel oo ka shireysa sidii ay danahooda siyaasadeed ka hadlaan,waxaana uu sheegay xildhibaanka inkastoo uusan warkiisa dhageysan balse uu haddana soo dhaweynayo in dadka u wada hadlaan laba waji oo kala ah mid deegaan iyo mid wada dhalasho, taasi oo keeni karta maamul dadku ay wada leeyihiin oo la helo.
Warar kasoo baxaya Dhuusamareeb iyo Cabudwaaq ayaa sheegaya inay wefdigii Ahmed Abdisalaan iyo Xildhibaanada kasoo jeeda waqooyiga Galgaduud barri tegi doonaan Cabudwaaq, waxaana halkaasi ka socda diyaargarow loogu jiro imaanshaha wefdigaasi iyaddoo haddana la ogsoon yahay diidmada kasoo yeertay maamulka Ahlusuna ee aan la dhacsaneyn shirarka Xildhibaanada ku yeesheen Dhuusamareeb.
Col Isaaq biixi and C/wali Sheikh arrive in Dhuusamareeb
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- XimanJaale
- SomaliNet Super
- Posts: 12577
- Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
- Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
- Contact:
Col Isaaq biixi and C/wali Sheikh arrive in Dhuusamareeb
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 15 Replies
- 1258 Views
-
Last post by XidigtaJSL
-
- 5 Replies
- 874 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 4 Replies
- 625 Views
-
Last post by Shift
-
- 9 Replies
- 1027 Views
-
Last post by Smile-LiKe-SuN-RiSE
-
- 1 Replies
- 501 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 7 Replies
- 831 Views
-
Last post by Advocatar
-
- 4 Replies
- 391 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 10 Replies
- 631 Views
-
Last post by paidmonk
-
- 18 Replies
- 3034 Views
-
Last post by CaliBurco