Kulan ballaraan oo ay isugu yimaadeen odayaasha, wax garadka, aqoon yahannada, siyaasiyiinta iyo haweenka beesha Sade oo lagu qabtay magaalada Muqdishu (Hotel Ambassador) maantay oo ay taariikhdu tahay 16/04/012, loogana hadlay marxaladda uu dalku maanta marayo, mustaqbalka ummadda Somaliyed iyo mawaqifta beesha Sade, ayaa waxaa kasoo baxay, dhowr qodob oo kale ah:
Arrimaha Amaanka.
Haddaan nahay beesha Sade waxaan eed kulul u soo jeedinaynaa dowladda ku meel-gaarka ah maaddaama ay ku fashilantay ballan-qaadkii ku xusnaa Roadmap-ka ee ka xorraynta cadowga gobollada koonfureed, gaar ahaanna gobollada Gedo iyo Jubooyinka. Iyadoo hakisay dagaalladdii ciidamada iyo shacabka gobolladaas deggani ay isaga saarayeen cadowga. Sida la ogyahay dowladdu waxay siyaasadaysay barnaamijka amniga/xoraynta gobolladaas. Sida ka joojinta saadkii daruuriga u ahaa hawlaha ciidamadda, dhiirigalinta iyo xannaanaynta ciidamada, iyadoo marar badanna loo gaysto duqayn iyo xasuus dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan iyo xoolahoodaba.
Arrimaha dastuurka.
Beesha Sade waxay si cad u caddaynaysaa in Dastuurka la wado iyo sida uu u qoran yahay hadda aanu ahayn mid ka tarjumaya masiirka iyo maslaxadda ummadda Somaliyed. Sidaa darteed waxay beeshu aragtaa in iyadoo la tixgaliyo xaalladda qalafsan dalku imminka marayo ayna macquul ahayn in lasameeyo dastuur ummadeed oo cusub. Sidaa darteed waxaan qabnaa in inta laga gaarayo mustawe ay ummadda Somaliyed khiyaarkeeda u samaysan karto dastuur, in lagu dhaqmo dastuurkii 1960-kii.
Arrimaha Dhaqanka.
Beesha Sade waxay ka digaysaa in lagu xad-gudbo arrimaha dhaqanka soo jireenka ah ee ummadda Somaliyed guud ahaan, oo aan la siyaasadayn, lana illaaliyo midnimada, karaamada iyo sooyaalka taariikheed ee ummadda Somaliyed. Sidoo kale, beeshu waxay ka codsanaynsaa guud ahaanba hoggaamiyeyaasha dhaqanka Somaliyed inay ilaaliyaan midnimada iyo masiirka ummadda Somaliyed, kana taxaddaraan in markale loo horseedo bur-bur dhaqan iyo mid siyaasadeedba, iyadoo loogu gabbanayo arrimaha dhaqanka.
Arrimaha kala guurka.
Beesha Sade waxay si cad uga soo horjeedda hannaannka saxiixayaasha lagu siinayo awood gaar ah, taasoo aan sinaba u waafaqsanayn axdigii ku meel-gaarka ah, rajada kala guurka iyo mustaqbalka ummadda Somaliyed.
Beesha Caalamka
Annagoo uga mahadcelinayna beesha caalamka dadaalkasta oo waxtar leh oo ay uga qayb-qaadanayso dib usoo noolaynta qaran Soomaaliyed, haddana waxaan ka digaynaa in la afduubo rabitaanka ummadda, isla markaana shaqsiyaad gaar ah gacanta loo galiyo masiirka iyo maslaxadda ummadda Somaliyed.
Wa billaahi towfiiq
Ka qayb-galayaasha Shirka
1.
Sh. Xasan Husen sh. Maxamud
2.
Axmed Maxamed Abukar
3.
Axmed Aadan Cabdi
4.
Dr. Cabdiraxman Maxamed Sheekh
5.
Xildhiban Xasan Cumar Maxamed
6.
Gen.Ibrahim Cabdi Shanfool
7.
Cabdikarim Sheekh Ibrahim
8.
Yusuf Maxamed sh. Cabdulqadir
9.
Cabdikarim Daahir Hirsi
10.
Amb. Maxamud Muse Tarey
11.
Xildhibaan Axmed Maxamed sh. Abokor
12.
Axmed Sh. Cabdi
13.
Xasan Ibrahim Cabdi
14.
Maxamed Xusen Ow-cabdi
15.
Maxamed Siyad Cige
16.
Maxamed Axmed Da’ud
17.
C/qadir C/risaq Cali
18.
Cabdi Faarax Nuur
19.
C/nuur Faarax Maxamed
20.
Maxamed Axmed Maxamud
21.
Cismaan Axmed muse
22.
Maxamed Jaamac Liiban
23.
Saynab Cabdi Samow
24.
Cigaal Xasan Daahir
25.
Maxamed Dhuubow Buulle
26.
Xuseen Xasan Maxamed
27.
Nuur Ibrahim Muumin
28.
Cisman Cali Saalax
29.
Axmed Iftiin Maxamed
30.
C/risaq Xusen Faarax
31.
Maxamed Calane Faarax
32.
Xasan Caydiid Col-ujoog
33.
Maxamed Maxamud Dhuumaal
34.
Cali Jaamac Garaad
35.
Qaasim Axmed Maxamed
36.
Ciid Xaaji Guuleed
37.
Abiib Maxamed Shaaciye
38.
Cusman Cabdi Xasan
39.
Dhaqane Qasim Cabdi
40.
Maxamed Xirsi Farax (Qare)
41.
Yusuf C/raxman Shuuke
42.
Saciid Birmad Cigaal
43.
Deeq Macalin Aadan
44.
Bashiir Xasan Maxamed
45.
Farxan Farey Maxamud
46.
Faysal Cabdi Kooreeye
47.
C/wali Maxamed C/’dulle
48.
Cilmi Cabdi Farax
49.
Qasim Cabdi Nuur
50.
Farxiya Cali Nuur
51.
Cabdi Ibrahim Cabdi
52.
Maxamed Nuur Buulle
53.
Xasan Xaashi Cisman
54.
Cabdi Cumar Daad
55.
C/nuur Faarax Maxamed
56.
Cabdi Axmed Faarax
57.
Cusmaan Maxamud Maxamed
58.
C/nasir C/qadir C/lahi
59.
Ibrahim Isaq Nuur
60.
Aadan Cisman Axmed
61.
Maxamed Aadan Maxamed
62.
Aadan C/dulle Cali
63.
Axmed Tahliil Qalaf
64.
Aadan Nuur Axmed
65.
Maxamed Aadan Cabdi
66.
Cabdi sh. Maxamed
Beesha Mareexaan Sade press conference in Mogadishu-WARBIXIN
Moderator: Moderators
- XimanJaale
- SomaliNet Super
- Posts: 12577
- Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
- Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
- Contact:
Beesha Mareexaan Sade press conference in Mogadishu-WARBIXIN
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4133
- Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm
Re: Beesha Mareexaan Sade press conference in Mogadishu-WARB
Are Marehan cooking something in tandem with Habar Gidir?
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2910
- Joined: Mon Apr 04, 2011 2:39 am
- Location: SNET's Resident Boogeyman
Re: Beesha Mareexaan Sade press conference in Mogadishu-WARB
Well-done Beesha Marehan 

- Eaglehawk
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3557
- Joined: Sun Dec 27, 2009 3:33 pm
- Location: God, Clan and Country
- Contact:
Re: Beesha Mareexaan Sade press conference in Mogadishu-WARB
its seems marexaan has diversified his politics, the question is how will they consolidate their influence we lvie in great times
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 12 Replies
- 1515 Views
-
Last post by Even123
-
- 2 Replies
- 479 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 36 Replies
- 2895 Views
-
Last post by Buhodle-Gurl
-
- 5 Replies
- 1016 Views
-
Last post by Substance
-
- 4 Replies
- 735 Views
-
Last post by Smile-LiKe-SuN-RiSE
-
- 3 Replies
- 602 Views
-
Last post by makumba59
-
- 27 Replies
- 2826 Views
-
Last post by Smile-LiKe-SuN-RiSE
-
- 0 Replies
- 471 Views
-
Last post by Substance
-
- 0 Replies
- 417 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 40 Replies
- 3633 Views
-
Last post by Voltage