Gacmadheere and Tiicey
Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llaahi Aadan Tiiceey oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka warbixiyey Safar uu dhawaan ku tagay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Wuxuu sheegay in halkaasi ay kula soo kulmeen dadka daneeya arrimaha Soomaaliya iyo sidoo kale waxgarad ka soo jeeda gobollada Hiiraan, Mudug, Galguduud iyo Shabeelaha dhexe kuwaas oo sida uu sheegay ay kawada hadleen sidii loo midanayn lahaa gobolladaasi wuxuuna xusay in arrintaasi ay meel wanaagsan u marayso.
Maxamed C/llaahi Aadan Tiiceey Madaxweynaha Maamulka Ximan Xeeb mar aan wax ka weydiinay shirkiisa jaraa’id qaabka loo midayn karo gobolladaasi ayaa wuxuu sheegay in wax dhibadan aysan ahayn in la mideeyo gobolladaasi isagoo hoosta ka xariiqay in mideyntu ay soo deg degayso haddii gobol walba uu dantiisa ka hor mariyo tan caamka ah, waxaana saldhig u ah buu yiri Midnimo.