Nin waashoow warkaa waa kasoo horeeyay,wakiilkii ONLF ee Denmark Mr. Ducaale oo sheeganaya Jubbaland ayaa soo gaadhay Nairobi
AdminApr 29th, 20120 Comment
Ninka lagu magacaabo Axmed Faarax Ducaale oo kasoo jeeda gobolada Cabudwaaq , islamarkaana ahaa wakiilka rasmiga ah ee Jabhadda ONLF u fadhiya Denmark ayaa hada isku rogay dhanka kale oo noqday sida ay Soomalidu dhahdo “Ka rog oo labo saar”kadib markii uu iska bixiyay shaatigii wakiilnimada , xidhayna shaati kale oo ka wayn lana dhaho Jubbaland State.
Ducaale, Ex -ONLF ayaa la fahansanyahay in ay arrintan ku kaliftay dhawr arrimood oo kala ah 1) isagoo ku khafiifay wadanka Denmar oo uu muddo dheer ku sugnaa. 2) isagoo wax nafci ah ka waayay saaxiibadii Onlf . 3) isagoo ku khafiifay jago raadin , rabana in uu kasii dhigto sheegashada xilka Jubooyinka wado oo ku gaadho hadafkaas. Intaas waxaa dheer Ducaale oo ka daalay lacagta Cayrta ee yar ee laga bixiyo Denmark, dhulka Jubooyinka ee barwaaqada ahna raba in jujuubsado maadaama dadkiisii hurdaan.
Ducaale , Ex-ONLF waxaan leenahay soo dhawoow , waxaa kusugaya Jeelka Addisababa iyada oo laguu gayndoono saaxiibadaada kale ee Xaabsade iyo Aadan Madoobe oo ku jira jeelka dhexe ee Addisababa.
Nin waalanow warkaa waa kasoo horeeyay
Dailyjuba.com, dailyjuba@hotmail.com
http://dailyjuba.com/?p=1279
cagdheers I'm sorry but i cannnot stop laughingAxmed Faarax Ducaale oo kamid ah qurbajoogta kunool dalka Denmark, dhawaana dalka Mareykanka ay reer tolkiis ugu magacaabeen madaxweynaha maamul layiraahdo Jubbaland ayaa la sheegay inuu dhaq dhaqaaq siyaasadeed kawado magaalada Nairobi.Ducaale ayaa sida la sheegay dhawaan shir ku qaban doona Hotel Nomad halkaas oo uu kula hadli doono guurtida jubbaland iyo shacabka kasoo jeedaJubbaland(waa sida qoraalka loo dhigiye).
Col.Ducaale ayaa la sheegay in kulankaas kadib u ambabixi doono magaalooyinka Doolow, Garbahaareey iyo Addis Ababa iyadoo la xusay in Doolow iyo Garbahaareey ay kusoo dhaween doonaan ciidamada qalabka sida ee maamulkiisa.
Waxaa xusid mudan in magaalooyinka uu Ducaale booqan doono aan lagu darin Baladxaawo,Luuq iyo Ceelwaaq oo dhamaantood katirsan Gobolka Gedo, taloow halkaa maxaa ku aasan?
Dhanaan.com waxay fahansantahay in ururka Ahlu sunna Waljamaaca uu qeyb ka noqon doono maamul goboleedka laga hirgelin doono gobolada Jubooyinka iyo Gedo, hase yeeshee waxaa la isweydiinayaa oo wali daahsoon yaa Ahlu sunnada Gedo siyaasada umatali doona,( Maxamuud sayid , Kaliil , Maslax, Ducaale , mise waa xeroow aan la aqoonin oo ka imaan doona Ahlu sunnada gobolada dhexe? Qoraalka kusaabsan dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Ducaale halkan ka akhri http://www.allgedo.com/2012/04/29/madax ... %e2%80%8f/
Dhanaan.com
http://dhanaan.com/ducaale-oo-damac-kah ... y-nairobi/

































