Sade elder’s security in upcoming shir

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Eaglehawk
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3557
Joined: Sun Dec 27, 2009 3:33 pm
Location: God, Clan and Country
Contact:

Sade elder’s security in upcoming shir

Post by Eaglehawk »

I remember the story of Balcha Safo and haile selassie in 48 laws of power
I believe we should not entrust the safety and security of our elders with sharif and the powers that be in xamar.

I believe they have shown complacency and unanswered complicity in the theatre bombing and shamo bombing
Aadan Buulle Maxamed (AUN) death should make us more precarious about malicious intent of others.

Muqdisho, April, 30, 2012—- Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federalka Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta kormeer ku tagay goobtii la dajin lahaa Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaana Ra’iisul Wasaaraha kormeerkiisa ku wehlinayay qaar ka tirsan golahiisa Wasiiradda iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnihii kale ee la socday Waxay warbixin ka dhageysteen gudigii loo xilsaaray soo dhaweynta Odoyaasha Dhaqanka kuwaa oo soo xuli doono gudigii ansixin lahaa Dastuurka Cusub ee Qabyo-Qoraalka dalka.

Waxaa kaloo uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixino ka dhageystay gudi iyagana loo xilsaaray iney sugaan amaanka goobta oo ay ka mid yihiin Ciidamada NabadSugidda Qaranka,Kuwa AMISOM iyo hay’adaha kale ee dowladda kala shaqeeya Amaanka, Iyagoona Sheegay in goobta ay tahay mid amaankeeda uu aad u sareeyo laguna kalsoon yahay islamarkaana ay il-gooni ah ku eegi doonaan amaanka goobta ayna si wada jir ah isaga kaashanayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabadsugidda Qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya.

Warbixinta kadib ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubnihii la socday soo kormeereen goobtii loogu talagayay Odayasha Dhaqanka ee Soomaaliyeed in la dajiyo, Isagoona Ra’iisul Wasaaruhu mid mid u galay qolalkii loogu talagalay Odayaasha Dhaqanka, kuwaa oo gaaray 135 Odey Dhaqameyd oo ka kala imaanaya gobalada dalka.

Odayaasha Dhaqanka ayaa la filayaa horaanta bishaan soo socota iney soo xulaan Ergadii ansixin laheyd Dastuurka Cusub ee Qaybo-Qoraalka dalka.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa u mahadceliyay gudigii isku xilsaaray soo dhaweynta Odayaasha Dhaqanka iyo waliba kuwa sugaya amaanka goobta loogu talagalay in la dajiyo Odayaasha Dhaqanka.
Image
Image
Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”