Forces loyal to Jubbaland State open fire at plane in Doolow
Posted: Tue May 01, 2012 1:11 pm
TFG forces loyal to Jubbaland State open fire at a plane that came from Nairobi that was supposed to take Sade elders to Muqdisho was opened fire at by large forces loyal to Jubbaland State. The Prime Minister and some officials were behind a shirqool by attempting to dislodge the attempt of Jubbaland formation by sending a plane to early in order to pick up the Sade traditional elders, whilst the upcoming Jubbaland conference is about to commense. I congratulate the forces for opening fire at the plane, which made it go back to where it come from.
Nobody messes with Sade. No is a NO.
Dr Ducaale, Fartaag and Barre Hiiraale should had told Cabdi Kaliil about the situation before he blabbed on the media that they weren't aware of it. Cabdi Kaliil is currently in Garbahareey.
Nobody messes with Sade. No is a NO.

Dr Ducaale, Fartaag and Barre Hiiraale should had told Cabdi Kaliil about the situation before he blabbed on the media that they weren't aware of it. Cabdi Kaliil is currently in Garbahareey.
Doolow:- Ciidamo katirsan Dawladda KMG ayaa maanta rasaas ku furay diyaarad degmada Doolow ee gobolka Gedo taasi oo qaadi lahayd Odayaal dhaqameed ka qayb gelaysa ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Diyaaradda oo ay Ergadaasi usoo dirtay Dawladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in ay ka baaqatay duulimaadkii ay kusoo qaadi lahayd Odayaasha dhaqanka kadib markii ay rasaas oodda kaga qaadeen Ciidamo Dawladda katirsan
Axmed Aadan Xirsi Rufle oo kamid ah saraakiisha Dawladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidanka rasaasta furay ay taageersan yihiin maamulka degmada Doolow oo kasoo horjeeda dastuurka cusub.
Waxa uu intaasi ku daray in qaar kamid ah Ciidankii rasaasta furay iyo saraakiishii hoggaaminaysay ay gacanta kusoo dhigeen kuwa kalena ay ku daba jiraan.
Rufle waxa uu falkaasi ku tilmaamay mid aan haboonayn oo ay ku dhaqaaqeen dad waxma garato ah sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu balan ku qaaday in sharciga la horgeyn doono.
Majirin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta ay fureen Ciidamada Dawladda marka laga reebo in uu buuqday duulimaadkii lagu soo qaadi lahaa Odayaasha dhaqanka.
Diyaarad Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo kasoo qaadi lahayd odayaal ka Qaybgeli lahaa shirka Muqdisho oo la Rasaaseeyay
Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Diyaarad maanta kasoo qaadi lahayd Degmada Doolow ee gGedo odayaal ka qayb-geli lahaa shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya oo Muqdisho ka dhici doona ayaa lagu rasaaseeyay, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dowladda ee gobolka Gedo.
Guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG ah, Maxamed Cabdi Kaliil oo arrintan uga warramay saxaafadda ayaa sheegay in diyaaradda markii ay soo dagtay lagu furay rasaas nala waaweynna lagu shiday, taasna ay keentay inay dib uga duusho garoonka.
"Waxaa garoonka la dhex-dhigay gaari tikniko ah, ciidammo badanna waa lagu wareejiyay... markii ay diyaaraddu soo cago-dhigatay ayaa waxaa lagu furay rasaas waxayna ka carartay garoonka iyadoo ku laabtay Nairobi," ayuu yiri Kaliil oo sheegay in odayaashii si xun loola dhaqmay.
Guddoomiyaha gobolka Gedo wuxuu falkaan ku eedeeyay dad diyaasbaro ah oo uu sheegay in gobolka ay carqalad ka wadeen, inkastoo aysan jirin cid uu si gaar ah carrabka ugu dhuftay, isagoo xusay inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kuwii ka dambeeyay falkan.
Xukuumadda Soomaaliya aya waxay toddobaadyadii ugu dambeeyay odayaal ka keenaysay gobollada dalka si ay uga qaybgalaan shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee dowladda kaasoo ay dad badan mucaaradeen, iyadoo falkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo lagu horjoogsado odayaal doonaya inay ka qaybgalaan shirka Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online