



Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil(Saylici) ayaa maanta salaadiinta Somaliland ugu baaqay inay iska ilaaliyaan ka qayb galka shirarka somaalia isla markaana meel uga soo wada jeestaan ilaalinta nabad galyada qaranka, sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta ka hadlayey kulan ay xukuumada somaliland u qabatay guud ahaan salaadiinta somaliland oo ka qabsoomay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Ugu horayn madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlaya arimaha ka socda wadanka somaliya iyo sida loogu baahan yahay inay salaadiintu meel uga soo wada jeedsadaan ilaalinta qaranimada somaliland ayaa waxa auu yidhi "maanta waxa noo farxada inaan salaadiinta somaliland halkan iskugu nimaadno , iskana waraysano waxyaalo badan oo dalka ka jira iyada oo ay haboon tahay in marwalba xaaladaha jira layskaga waramo.
arinta nabadgalyada ee aynu inta badan garbaha soo haynay waxaan idinku boorinayaa inaynu halkaa ka sii adkayno."
"Waxyaabahaa ka socda koonfur ee walaalaheen ah mar walba waynu u ducaynaynaa waxaynu jecelnahay walaalaheen oo nabad hela dawlad sideenoo kale ahna gaadha oo is maamula inay noqdaan oo aynu noqono laba dal oo jaara.
Waxaanu maanta kulankan idiinku qabanay inaanay dhicin inaga oo qarankeenu qaan gaadhay In layna faqo oo dad inaga mid ahi intay tagaan shirarka ka socda somaliya ay magaceena somaliland sheegtaan ayaan idiinka digaynaa, waxaanan jecelnahay sidii aynu ku soo caano maalnay inaynu nabad galyadeena wada ilaashano dhamaanteen."
Madaxweyne ku xigeenka somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi "maanta dalkeena somaliland waxa uu jira 21 sanadood,runtiina nabada aan ku faano ee mudadaa koobyo labaatanka sanadood ah ku faanaynay inta abuurtay ee haysay waxa weeye madax dhaqameedka Somaliland.
Sida aynu la wada socono dawladeenu ma laha awood ay dalka ku gaadho laakiin nabadaa waxa haya oo gees ilaa gees ay ku tiirsan tahay waa madax dhaqameedka Somaliland taasna aad ayaanu idiinku hanbalyeynaynaa waxaana loo baahan yahay inaynu wada jir u ilaalino."
Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlaya wax qabadyada xukuumada ayaa waxa uu yidhi "mudadaa labada sano ah ee xukuumadu jirtay wax badan ayaanu qabanay laakiin canaantu mar walba way jiraysaa, dadkana waxa deeqa waa danta guud iyo cadaalada oo la hagaajiyo,laakiin mar walba la waayi maayo cid na canaanata oo markay danaheedii gaarka ahayd naga weyday dhaliil noo soo jeedisa. "
Full story on hadhwanaagnews.com