Puntland oo bilowday bixinta sharciga Darawelada (Driver Lic

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
garoweboy
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8248
Joined: Sun Nov 22, 2009 9:05 pm
Location: Puntland, #GGMU

Puntland oo bilowday bixinta sharciga Darawelada (Driver Lic

Post by garoweboy »

Wasaarda Howalaha Guud iyo Gadiidka Puntland ayaa manta bilaawday bixinta sharciga wadaha-gadiidka ee loo yaqaan laysanka (Driver license) tasoo la sheegay in aysan jiri doonin darawel aan lahayn sharcigaa inuu gaari ku wado gudaha deegaanada Puntland.

Bixinta sharciga wadida gadiidka ayaa wajigeeda kowaad si rasmi ah uga furmay maanta magaalda Garoowe waxaan maanta la siiya dhawar qof kuwasoo intaan la siin sharcigaa la marsiiya habka iyo imtixaanka loogu talagalay in la marsiiyo wadah intaan la siin laysanka.

Taliyaha Guud ee taraafikda Puntland Col Axmed Cabdi Cali oo saxaafda kula hadalay xarunta wasaarda ayaa sheegay in sharcigaan dhawr jeer oo hore la isku dayay in la sameeyo balse uu hirgali waayay, kan maantana uu ahaan doono mid hirgala oo aan oo kaliya looga harayn bixinta balse ay socanyaso inaa darawelkii aan wadan sharcigaa talaabo sharciga waafqsan laga qaadi doono.

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Cabdifutaax Yuusuf Cilmi, Madaxa Shirkada *Puntland Identification information Technology(PIITEC) ee Puntland, ayaa waxaa uu xusay in ay maanta bilabeen bixinta laysanada gobolada Puntland oo dhan ay ka bixin doonaan.

Cabdifutaax ayaa sidoo kale sharaxay sharcigaan in uu yahay mid casri ah, intaa aan qofka lasiin ay marsiin doono imtixaan si loo hubiyo xirfadiisa iyo cafimaadkiisa in uu wadi karo gadiidka.

Sharcigaan wadista gadiidka ayaa noqan kara mid wax badan ka bedala marxalada gaadiidleyda ku sugan gudaha Puntland iyo shilalka ka dhaca wadooyinka ayadoo ay jiraan dad aan aqoon badan gaadiidka u lahayn oo sababa shilal badan.

Maxamed Siciid
Horseed Media
User avatar
garoweboy
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8248
Joined: Sun Nov 22, 2009 9:05 pm
Location: Puntland, #GGMU

Re: Puntland oo bilowday bixinta sharciga Darawelada (Driver

Post by garoweboy »

OOps Qaurk posted this before me. :up: O well delete mine. :lol:
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Puntland oo bilowday bixinta sharciga Darawelada (Driver

Post by Somalistan »

Very nice. Well done Puntland.

Safety first.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”