
Saturday, May 5th, 2012 | Posted by Maxamud
Ismaaciil yare oo Dal-cad adag ku soo gaadhay Rayaale iyo Muuse Biixi
Waxa uu noqday Hogaamiye siyaasdeed oo la siman ragii salaanka ka tuuray
Hargeysa(Waaheen) Ismaaciil Aadan Cismaan oo ahaa siyaasi gaadhay heer wasiirnimo waliba kuwa ugu awooda badan ee Arrimaha Gudaha oo xurguf siyaasdeed ka dhaxaysay Guddoomiyaha Ururka UDUB Daahir Rayaale Kaahin oo ay isku Xisbi ahaan jireen iyo Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay isku Jilib yihiin ayaa soo gaadhay Heer uu kula Loolami karo kadib markii uu in muddo ah Saaxada Siyaasadda kaga maqnaa Garbin ay ka garbiyeen Salaankii uu wakhtigaas haystay.
Ismaaciil Aadan Cismaan Ismaaciil yare wakhtigii Rayaale waxa uu ahaa Wasiir awood badan hase yeeshee waxa ay xurgufi soo kala dhex gashay markii uu galay Damac Madaxweynenimo iyadoo ay wakhtigaas ahayd Kalkii labaad ee Rayaale u Doonyaysnaa mar labaad in loo Cugto Madaxtinimada maadaama oo uu kaga Guulaystay Doorashadii Koowaad Axmed Siilaanyo oo wakhtigaa mar labaad kula loolamayay Rayaale.
Ismaaciil Yare waxa uu siku dayay markaas inuu Xisbigaha Gudihiisa kula tartamo Rayaale oo markaas Madaxweyne ahaa balse si yar oo fudud ayuu ugu awood sheegtay isagoo u adeegsaday Ciidankii markaas ku hareeraysnaa iyo masuuliyiintii wakhtigaas gacan yaraha u ahayd, kuwaasoo banaanka dhigay Ismaaciil yare iyo Kudlad kale oo markaas la mucaarad ahayd.
Tan iyo wakhtigaas Ismaaciil yare waxa uu ku jiray Buulka wax Siyaasad ahna kumuu foognayn hase yeeshee waxa la dareemay Hankiisa Ololayaashii Kulmiye ee ugu danbeeyay ee ay talada kula wareegayeen wakhtigaasi oo Uu Ismaaciil yare ka soo dhex mudhay Noocawdii Isbedel doonka ee Rayaale Ooda u rogtay isagoo holaday inuu Taageero ama ku biro Xisbigaasi, bale Muuse Biixi oo ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga ayaa markale Garbiyay isagoo bilaabay in uu ku soo jeediyo Indhaha Xisbiga isla markaana u bahalo geliyay.
Dhacdadaas kale ee Kulmiye kaga furantayna waxa ay ku sababtay inuu ka gaabsado oo uu banaankiisa iska joogo maadaama Kulmiye aanu ku galaynin oo ay ahaayeen kooxo khilaaf badani ka dhex oognaa oo u midoobayay cid kasta oo soo dhex gasha. Inkastoo markii ay talada ku Guulaysteen marar badan ay Suuqa soo gashay Ismaaciil Yare in Xil la siinayo hadana may dhicin.
Waxa u bildhaamay Ismaaciil Yare mar kale Nuurkii uu Siilaanyo Ifiyay ee ahaa Furista Ururada Siyaasadda, arrintani waxay u fududaysay inuu tiisa ku meel maro, waxaanu in muddo ah waday Olole hoose oo uu taageero ugu raadinayay Damaciisa, markiiba waxa u baxay inuu Salaanka halkaas ka fuuli karo, waxaanu muujiyay Damaciisa isagoo Tuur iyo Tarbiicaba iskugu yeelay in uu mar uun soo fanto Siyaasadda isagoo Ururkiisii Dalsan noqday mid fadalo cad, aakhirkiina hormood u noqday Lixdii Urur Siyaasadeed ee soo baxay.
Ismaaciil Yare waxa uu badhtanka u soo galay Rayaale oo wakhtigan aanay u laabnayn rajo musharaxnimo oo waliba Ururkiisii khilaaf culusi ka dhex taagan yahay iyo Muuse Biixi oo aanay kala cadayn rajadiisa Musharxnimo maadaama wali Madaxweyne Siilaanyo taagan yahay, Tartan culusina ku soo fool leeyahay haddiiba Siilaanyo ka tanaasulo.
Duruuftan Siyaasadeed ee isa soo gaadhsiisay Ismaaciil Yare, Rayaale iyo Muuse Biixi ayaynu odhan karnaa waa mid ka turjumaysa Waayaha Siyaasadeed oo qof-na Durka ugu Rogta Qof-na Daabaca, inkastoo ay wali taagan yihiin sadexdooduba hadana waxaynu odhan karnaa Ismaaciil Yare waxa uu labadoodaba ku soo gaadhay dal-cad adag oo laga yaabo inuu ku dhaafo haddii uu dedaalo
