Hargeysa(Ramaas) May. 3, 2012 - Guddida diwaangelinta ururada siyaasada Somaliland , ayaa markii ugu horeysay ka hadlay natiijadii muranka dhalisay ee ay ku dhawaaqeen bishii hore ee March, waxaana ay gaashaanka ku dhufteen eedaymo wax-isdabamarin ah oo ay u soo jeediyeen madaxda ururadii hadhay.
Shir jaraa’id oo ay guddidu ku qabtay xafiiskooda Magaalada Hargeysa, waxa au ku sheegeen in ururada hadhay ay ku guuldaraysteen in ay buuxiyaan shuruudihii looga baahnaa, isla markaana aanay suurtagal ahayn in loo aqoonsado ururo Qaran,waxaana ay si faahfaahsan uga hadleen sababtii uu ku hadhay ururkasta.
Af-hayeenka guddida diwaangelinta Xasan Axmed Ducaale, ayaa sheegay in madaxda ururada hadhay faafiyeen dacaayado lagu dhawaacayo sumcadooda,laakiin ay yihiin qaar aan waxba u dhiman shaqada loo igmaday.
“ Waxa maanta nagu kalifay I aanu hadalno , markii la dhaleeceeyay go’aankii aanu soo saarnay ee lagu kala reebay ururada, guddida ayaa dhaleecayn badan oo magac dil ah loo soo jeediyay sharaftayadan wax loogu dhimay runtii , nin walbana siduu doono ayuu u dhigtay, arrimaha ugu waaweyn ama warbaahin ha qorto ama Suuqa ha lagaga hadlo ama masuuliyiinta ururadii dhacay waxa ugu waaweynaa guddidu way ka baxday Magaalada, xukuumada ayaa soo faragelisay oo ururada kala reebtay, urur walba waxa laga rabay in uu keeno kun qof , in ay keenaan kaadhadhka dadkaas iyo in ay xafiisyo ka furtaan lixda gobol ee dalka, ururkii buuxin waayaa wuu hadhay” ayuu Xasan Axmed Ducaale.
Af-hayeenka guddida oo akhriyey waxayaabaha ay urur walba ay ku reebeen waxa uu yidhi “Halkan waxaan idiin soo gudbinaynaa liiska ururada hadhay waxa uu mid waliba ku hadhay waxaana ugu horeeya
1. SSCD waa uu hadhay waxaanu ku hadhay isaga oo aan xafiisyo ka furan goboladda dalka marka lagareebo Maroodi-jeex iyo 1000kii qofna wuu ku hadhay dhammaan gobolada.
2. Ururka Damal xafiisyo kamuu furan goboladda Saaxil , Togdheer iyo Sanaag 1000 kii qofna muu buuxin gobolna
3. Ururka Nuur xafiisyo ka muu furan Saaxil iyo Sanaag 1000 qofna ee muu buuxin marka laga reebo Marood-jeex.
4. Ururka Jamhuuriga xafiisyo ka muufuran goboladda Saaxil iyo Togdheer ,1000kii qofna muu buuxin marka laga reebo Maroodi-jeex
5. Ururka NDB xafiisyo ka muu furan goboladda Saaxil Iyo Togdheer muunabuuxin 1000kii qof goboladda Saail,Sanaag iyo Sool.
6. Ururka Horyaal xafiisyo kamuu furan goboladda Saaxil iyo Sool manuu buuxin 1000-kii qof goboladda Saaxil iyo Sanaag waxa kale uu ku hadhay 1000kii qof ee liiska ahaa.
7. Ururka UDHIS xafiisyo ka muufuran Goboladda Sanaag iyo Sool ,manuu buuxin 1000kii qof ee madaxtaabashada ahaa goboladda Sanaag iyo Togdheer.
8. Ururka Badbaado xafiisyo kamuu furan gobolka Sool manuu buuxin 1000kii qof ee madaxtabashada aah gobolada Sool iyo Sanaag .
9. Ururka Gurmad Xasfiis ka muu furan gobolka Sool manuu buuxin 1000kii qof ee madaxtaabashada ahaa gobolka Awdal”.
Guddoomiyaha guddida diwaangelinta Cabdirisaaq Jaamac Ciyaale, ayaa ku eedeeyay qalabka warbaahinta in ay bunbuuniyeen khilaafka ka dhashay go’aankii ay ku dhawaaqeen.
“Marka gunta loo dhaco waa mid saxaafadu abuurtay, waxa ay saxaafadu tidhaahdaa ururada la reebay ayaa reebay? Ururada dhacay, ururada hadhay iyo ururada aan fursada helin weeyaan,laakiin lama reebin waa la reebay waxa weeyaan badheedhbaa loo reebay luuqada saxaafada isticmaalayso ha la eego, saxaafada waxa ay u dhextahay ummada oo dhan” ayuu yidhi guddoomiye Ciyaalle.
Seems fair tbh.
Sababtii Xisbiyada loo rebay.
Moderator: Moderators
- abdikarim86
- SomaliNet Super
- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
Re: Sababtii Xisbiyada loo rebay.
1000 people per party from every province r too many
- abdikarim86
- SomaliNet Super
- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
Re: Sababtii Xisbiyada loo rebay.
Considering people can be easily hired. I'd actually argue it's too few.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Sababtii Xisbiyada loo rebay.
Guys move on
Dalsan
rays
nasiye
umadae
xaqsoor
Wadani
intaasa soo baxay inta kale ha iska hoydaan ha iska seexdaan
Dalsan
rays
nasiye
umadae
xaqsoor
Wadani
intaasa soo baxay inta kale ha iska hoydaan ha iska seexdaan
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 195 Views
-
Last post by Xamari_76
-
- 9 Replies
- 542 Views
-
Last post by 1nemansquad
-
- 5 Replies
- 836 Views
-
Last post by accident
-
- 4 Replies
- 643 Views
-
Last post by Nubis
-
- 1 Replies
- 378 Views
-
Last post by YASIR123
-
- 5 Replies
- 820 Views
-
Last post by sahal80
-
- 26 Replies
- 1899 Views
-
Last post by fighter
-
- 5 Replies
- 581 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 2 Replies
- 443 Views
-
Last post by NewHargeisaGirl
-
- 15 Replies
- 929 Views
-
Last post by fagash_killer