Page 1 of 1

Garoowe: Arday ka qalin jebisey dugsiga barashada Computerka

Posted: Sun May 06, 2012 2:25 am
by garoweboy
Xaflad loo sameeyey arday dhamaystay koorso Computer ah oo ay mudo 6-bilood ah soo baranayeen ayaa ka dhacday xarunta maamulka gobolka Nugaal ee Garoowe.

Munaasabadan oo ahayd mid balaaran waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka dugsiga ay ardaydani ka qalin jebiyeen ee Halgan, waalidiin iyo marti sharaf kale oo badan.

Maxamed Cabdiqaadir Islaan oo ah maamulaha dugsiga Halgan ayaa ugu horeyn madashaas ka hadlay, wuxuuna ka warbixiyey waxa ay ardaydani barteen.

Maamuluhu wuxuu sheegay in ardaydani ay qaateen koorso mudo 6-bilood ah soo socotey islamarkaana ay awood u leeyihiin inay Computerka ku shaqeeyaan aqoon ku filanna ay ka haystaan.

Luul Jaamac Samatar oo ka socotey wasaarada waxbarashada ee Puntland ayaa iyaduna u hanbaylyeysey aryda, waxayna ku boorisey inay dadaalkooda sii laban labaan si ay aqoontooda usii kordhiyaan.

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa kusoo gabagabowdey jewi farxadeed.


Image Image Image Image Image

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe

Re: Garoowe: Arday ka qalin jebisey dugsiga barashada Comput

Posted: Sun May 06, 2012 2:26 am
by garoweboy
Masha Allah i'm proud of these kids. :D :up: :clap:

Re: Garoowe: Arday ka qalin jebisey dugsiga barashada Comput

Posted: Sun May 06, 2012 9:28 am
by quark
Mashallah :up: